๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐š๐๐๐š XFS ๐จ๐จ ๐ฆ๐ž๐ž๐ฅ-๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ก๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ๐ฒ๐จ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xalay yeeshay kulan deg-deg ah ayaa ansixiyey heshiisyo dhowr ah oo kala ah hindise sharciyeedka iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo iska kaashanaya Arrimaha Beeraha.

Sidoo kale Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaan ansixiyay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta, iyo heshiis ku saabsan shaqo qorista shaqaalaha oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Shirka oo uu guddoominayey Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo ku saabsan amniga dalka, iyo dib u xoreynta deegaannada ay ku suganyihiin Khawaarijta, iyadoo Goluhu uu meel-mariyey heshiiska wareejinta maxaabiista xukuman oo ay kala saxeexdeen Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Baniโ€™aadannimada, iyadoo...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Guddoomฤฑyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdฤฑsho Dr....

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...