Cutubyo ka tirsan Xoogga Dalka oo gaaray deegaanka Raas Kambooni ee Jubbada Hoose

Date:

Iyadoo si habsami leh ay dalka uga socoto la wareegista goobaha ay baneynayaan Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa waxaa maanta degaanka Raas Kambooni ee Gobolka Jubbada Hoose gaarey Ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Guutada 18aad ee Ciidanka Komandoska GorGor G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) ayaa warbaahinta u sheegay inay halkaasi ka sii wadi doonaan dagaalka dalka looga xorreynayo cadowga Khawaarijta Al Shabab.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga ay marwalba diyaar u yihiin la wareegida goobaha ay banneyaan ATMIS,sidoo kalana lasii wadayo xoreynta degaannada wali ku harsan gacanta khawaarijta,ciidanka ayuuna ku bogaadiyay sida geesinimada leh ay xili walba ugu taaganyihiin bad-baadinta Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda JFS, Mudane Ahmed...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed...

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay Shebeellaha Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal...