Wasiirka Deegaanka Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay madasha UNCC ee COP29

Date:

Waxaan khudbad ka jeediyay madasha UNCC ee #COP29, anigoo iftiimiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta nidaamyada digniinta deg degga ah si Soomaaliya ay uga sii gaashaamato saameynta isbedelka cimilada. Waxaan til-maamnay dadaalka dowladda ee dhismaha nidaam isku dhafan kaas oo bulshada siiya macluumaad sax ah oo waqtigeeda ku habboon, si loo yareeyo saamaynta fatahaadaha iyo abaaraha soo noqnoqda ee dalka ka jira.

Waxaan sidoo kale xusnay in adeegsiga saadaasha cimilada heer qaran uu kaalin muhiim ah ka qaadanayo ilaalinta bulshada iyo wax ka qabashada caqabadaha cimilada. Nidaamkan digniinta deg degga ah ayaa ah mid isku xira xogta deegaanka iyo aqoonta bulshada, taas oo suuragelinaysa in digniinaha lagu gaarsiiyo dadweynaha meel kasta oo ay joogaan, iyadoo la adeegsanayo aalado sahlan sida moobilka iyo raadiyaha.

Gebagebadii, waxaan ku baaqay in beesha caalamka ay taageeraan dadaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta nidaamyada digniinta deg-degga ah, iyada oo ku adkeysatay in maalgashiga nidaamyadan uu horseedi doono bulshada Soomaaliyeed oo leh adkeysi iyo badbaado sare.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....