Wasiirka Degaanka XFS oo khudbad ka jeesiday madasha IOM ee Shirweynaha COP29

Date:

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadija Mohamed Almakhzoumi, ayaa khudbad muhiim ah ka jeedisay madasha IOM ee Shirweynaha COP29, iyadoo iftiimisay saameynta isbeddelka cimilada iyo waxyeelada ay ku leedahay dhallinyarada iyo bulshada u nugul ee caalamka.

Wasiirka, ayaa carabka ku adkeysay in isbeddelka cimiladu yahay dhibaato halis ku ah jiritaanka nolosha Soomaaliya iyo dunida inteeda kale, maadaama ay sabab u tahay barakaca, kororka magaalooyinka, yaraanta biyaha, amni xumo dhinaca cuntada, iyo qalalaase aan la xakamayn karin.

Wasiir Khadija ayaa tilmaantay in ay muhiim tahay in si wadajir ah oo degdeg ah loo wajaho dhibaatooyinkaasi. Waxa kale oo ay xustay in saameynta ugu daran ee cimilada ay ku dhacdo dhalinyarada, dhanka waxbarashadooda, adeegyada aasaasiga ah, fursadaha shaqo, iyo guud ahaan yoolalka horumarineed ee caalamka (SDGs).

Wasiirka ayaa ugu baaqday hogaamiyeyaasha, siyaasiyiinta, iyo hay’adaha inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo xoojin lahaa awoodda dhalinyarada si ay uga qayb qaataan xallinta caqabadaha cimilada. Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya waxay ka go’an inay ka dhigto codka dhalinyarada qayb muhiim ah oo ka mid ah dadaalladeeda isbeddelka cimilada iyo horumarka waara, iyadoo dhalinyarada loo aqoonsanayo inay yihiin awood wax ka tari karta mustaqbalka dalka iyo caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Taliyaha CXDS oo dhagax-dhigay Saldhigga degmada Howlwadaag.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Axmed Firin ayaa...

Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Hirshabeelle oo Jowhar ku qabtay kulan dadweyne.

Qaar ka mid ah Guddiyada Maaliyadda iyo Haweenka Baarlamaanka...

Ciidanka Xoogga oo toogtay naftii hallige khawaarij ah

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda...