Shacabka Somaliland oo u dareeray Goobaha Codbixinta 

Date:

Shacabka maamulka Somaliland ee gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, ayaa saakay u darreeray goobaha codbixinta doorashooyinka Madaxtinimo ee maamulkaasi.

Inta badan dadweynaha magaalooyinka waaweyn ee maamulka Somaliland ee kala ah Hargeysa, Berbera,Boorama, Burco iyo Gibileey, ayaa aroornimadii hore ee saakay safaf dhaadheer loo galay iney codadkooda dhiibtaan,waxaana doorashadaasi oo ay ku tartamayaan 3 xisbi Siyasaadeed oo u tartamaya Madaxweynaha, halka toban ururna ay u tartamayaan iney Xisbiyo noqdaan.

Ammaanka goobaha ay doorashooyinka ka dhacayaan, ayaa si aad ah loo adkeeyey iyadoo dhammaan dhinacyada tartamayana ay shacabka ku booriyeen iney si nabad ah codadkooda u dhiibtaan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa horey u bogaadisay nidaamka doorashooyinka maamulka Somaliland.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Duqa Muqdisho oo Booqday Qoys Waxyeello kasoo Gaartay Dab ka Kacay Degmada Howlwadaag

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...