laamaha Amniga Mudug oo gacanta ku dhigay gaari sahay u sidday khawaarijta

Date:

Ciidamada laamaha amniga Gobolka Mudug, ayaa gacanta kusoo dhigay laba eedeysane iyo gaari ay wateen oo ku socday deegaanada Dumaaye Iyo Dabalo ee dhaca Koofurta Gobolka Mudug.

Gaarigaan oo noociisu ahaa Nooha waxa uu sidday Shiidaal iyo raashin khafiif ah oo ku socday khawaarijta,kaas oo la sheegay in uu ka soo ambabaxay degmada Gaalkacyo.

Ciidamada laamaha amniga ayaa sheegay inay kor kala socdeen dhaq dhaqaaqiisa maalmihii lasoo dhaaf,iyagoo markii dambe gacanta ku dhigay gaarigaasi iyo raggii la socday.

taliska Ciida ka Booliska gobolka Mudug ayaa warbaahinta qaranka u xaqiijiyay in ay wadaan baaritaanno ku aadan baabuurkaasi iyo ciddii wadatay,iyagoo intaa raaciyay in ay dhowaan horgeyn doonaan maxkamadaha ku shaqada leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha Ciidanka Lugta oo ka qaybgalay Shirka African Land Forces Summit 2026 ee Rome 

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal...

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...