Kulanka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay Aminga iyo la dagaalanka Khawaarijta 

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka ummadda Soomaaliyeed, amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa loogu baaqay dadka Soomaaliyeed;

1′ In ay si wadajir ah u difaacdaan madax-bannaanida, gobonnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

2′ In laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qeybsanaan bulshada dhexdeeda ah.

3′ In laga wada shaqeeyo hirgelinta xasillooni siyaasadeed, meelna looga soo wada-jeesto ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah iyo wax walba oo khatar ku ah qarannimadeenna.

Golaha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed kaalintooda ku aaddan difaaca dalka iyo la dagaallanka Khawaarijta.

Sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu meelmariyey Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, kaas oo ku saabsan iskaashiga Dalxiiska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa Muqdisho ka Furay Shir Qaran oo Lagu Dardargelinayo Ka-Jawaabista Abaaraha Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS oo kusoo biiray Munaasabadda Sanad-guuradii 82-aad ee...

Munaasabada xuska ciidanka Booliiska oo goordhow ka bilaaban doonta Muqdisho

Waxa maanta oo ah 20-ka bisha disember si weyn...

Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar

20-ka disember waa astaan ka mid ah maalmaha qaran...