Guddoomiyaha G/Shacabka oo xaliyay kala aragti duwanaasho u dhaxaysay xildhibaanno ka tirsan BJFS

Date:

Kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa ku guuleystay inuu xaliyo kala aragti duwanaansho soo kala dhex gashay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo kasoo kala jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Gobolka Banaadir.

Kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xildhibaanadan kulankii ugu dambeeyay maanta la qaatay ayaa marka kulanka uu soo gaba gabeeyay waxa ay si wadajir ah ula hadleen warbaahinta.

Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas iyo Senator Siciid Siyaad Shirwac ayaa Xildhibaanadda kasoo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka uga garaabay falcelintii ay la kulmeen iyo sida loo fasiray hadal ay horey uga sheegeen warbaahinta.

Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur Jilley oo ku hadlayay magaca xildhibaanadda kasoo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dhankooda ay raali gelinta ay ka aqbaleen dhigooda ay kala aragti duwanaantu ka dhaxeysay islamarkaana laga wada shaqeeyo dowladnimada Soomaaliyeed iyo in meel looga soo wada jeesto cadowga umadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...