Guddoomiye Aadan Madoobe”Dowladda waxaa ka go’an hormarinta Waxbarashada dalka” 

Date:

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay horumarinta Waxbarashada dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo ka qeyb galay xaflad ay ku qalin beddelanayeen dufcaddii 18-aad ee Jaamacadda Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta Tiyaatarka Qaranka, ayaa intaa ku daray in ay tacliintu lahayn dhammaad, isagoo Ardayda ku boorriyay in ay sii kordhiyaan aqoontooda.

“Waxbarashada ma dhamaato waxaan idiinku baraarujinayaa in aad sii laba jibbaartaan dedaalkiinna oo aad sii waddaan waxbarashada, dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta waxbarashada dalka“, ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe

Sidoo kale, waxa uu ku dheeraaday muhiimadda ay waxbarashada leedahay, kaalinta bahda waxbarashada gaarka ah ay kasoo qaateen horumarinta waxbarashada dalka iyo waxbaridda ubadka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan oo ay ku qalin beddelanayeen arday gaareysa 1721 oo isugu jira heerarka kala duwan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Xildhibaano, waalidiinta ardayda iyo aqoon yahanno Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...