shaqaalaha Israel oo daneynaya xabbad-joojin & duqeymo weli ku socda Falastiin

Date:

Ciidamada Israa’iil ayaa sii wada duqeymaha ay ku hayaan Marinka Gaza iyo deegaanada kale, iyagoo dilay tiro Falastiiniyiin ah oo rayid ahaa .

Dadka la dilay ayaa waxaa ku jira 11 qof oo gabaad ka dhiganayay iskuul ku yaalla waqooyiga magaalada Gaza iyo afar kale oo la socday gaari oo masraayey meel u dhow bartamaha Deir el-Balah.

Dhinaca kale,Gudaha Israel ayaa la filayaa in ay ka dhacaan shaqo joojin guud,kadib markii boqollaal kun oo Israa’iiliyiin ah oo ka xun dilka loo geystay lix ruux oo la heystayaal ah ay isugu soo baxeen waddooyinka Tel Aviv iyo magaalooyinka kale, iyagoo dalbanaaya heshiis xabbad-joojin ah.

Daanta Galbeed ee la haysto, tirada dhimashada ee weerarrada Israa’iil ayaa kor uga kacday 29 ruux, iyadoo go’doominta Israa’iil ee xerada qaxootiga Jenin ay gashay maalintii lixaad, isla markaana ay adkaatay helaan cunto, biyo, koronto iyo internet.

Ugu yaraan 40,738 qof ayaa lagu dilay Gaza ,halka dhaawaca uu gaarayo 94,154,kadib weeraradii Israel ee bilowday 7-dii Oktobar ee sanadkii tagay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...