Ciidanka deegaanka oo howlgal kula wareegay fariisimo ay Khawaarijtu ku laheyd deegaanno hoostaga degmada Halgan

Date:

Ciidamada xoogga iyo kuwa dib u xorreynta ee Gobolka Hiiraan ayaa howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka sameeyay degaanno hoostaga degmada Halgan,halkaa oo ay ciidanku ku bur buriyeen fariisimo ay khawaarijtu ku dhibaateen jirtay shacabka

Sarakiisha ciidanka degaanka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay ka war heleen xubna katirsan khawaarijta oo si dhuumaaleeysi ah kuyimid degaano hoostaga degmada Halgan,halkaan ay isaga carareen markii ay maqleen in ku soo wajahanyihiin ciidanka degaanka,haddana ay gacanta ku hayaan ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka.

Waxa ay intaa hadalkooda ku dareen saraakiishan in ay sii wadi doonaan howlagallada lagu ciribtirayo argagixisada tan iyo inta laga sifeeynayo degaanada dhaca galbeedka Gobolka Hiiraan

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ayaa dhawaanahaan howlgallo sifeeyn ah oo ka dhan ah khawaarijta ka waday degaanno dhowr ah oo katirsan Gobolka Hiiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...