Ciidanka deegaanka oo howlgal kula wareegay fariisimo ay Khawaarijtu ku laheyd deegaanno hoostaga degmada Halgan

Date:

Ciidamada xoogga iyo kuwa dib u xorreynta ee Gobolka Hiiraan ayaa howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka sameeyay degaanno hoostaga degmada Halgan,halkaa oo ay ciidanku ku bur buriyeen fariisimo ay khawaarijtu ku dhibaateen jirtay shacabka

Sarakiisha ciidanka degaanka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay ka war heleen xubna katirsan khawaarijta oo si dhuumaaleeysi ah kuyimid degaano hoostaga degmada Halgan,halkaan ay isaga carareen markii ay maqleen in ku soo wajahanyihiin ciidanka degaanka,haddana ay gacanta ku hayaan ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka.

Waxa ay intaa hadalkooda ku dareen saraakiishan in ay sii wadi doonaan howlagallada lagu ciribtirayo argagixisada tan iyo inta laga sifeeynayo degaanada dhaca galbeedka Gobolka Hiiraan

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta ayaa dhawaanahaan howlgallo sifeeyn ah oo ka dhan ah khawaarijta ka waday degaanno dhowr ah oo katirsan Gobolka Hiiraan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay dhiggiisa Aljeeriya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda

Faallo; Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa sii xoojinaya xiriirkooda taariikhiga...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo oo laga guddoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga

Safiirka JFS ee dalka Congo Mudane, Ilyaas Cali Xasan,...

Duqa Muqdisho iyo Culimaa’udiinka oo ka wada hadlay wacyigelinta bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....