Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa tababbar u furay 30 xubnood oo la barayo Filim soo saarida

Date:

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa tababbar lagu baranayo habka sameynta iyo soo saarista Filmada u furay ilaa 30 xubnood oo ka kala socda shirkadaaha Filimada iyo Warbaahinta kale.

Tababbarkan oo socon doona muddo 5 maalmood ayna soo qaban qaabisay Wakaaladda Filimada ee wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa furitaankiisa ka qeybgalay wasiirka wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, kusimaha agaasimaha guud ahna agaasimaha maamulka iyo Maaliyadda Naasir Xasan Xuseen, prof Cabdullaahi Sheikh Cali Qaloocow wasiir kuxigeenkii hore ee Maaliyadda iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee wasaaradda.

Inta uu socdo waxaa lagu barandoonaa casharo la xiriira habka sameynta iyo soo saarista Filimada bulshada loo gudbinayo, waxaana bixinayaa qabiir sare Cabdulqaadir Axmed Buufalo oo hore uga tirsanaan jiray maamulkii Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed xiligii dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Kusimaha agaasimaha guud mudane Cabdinaasir Xasan Xuseen ayaa kula dardaarmay ka qeybgaliyaasha tababarka in ay ka faaideystaan, isagoo xusey tababar nuucaan ah ay dunida qiimo weyn ah ku fadhiyaan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo si rasmi ah u furay tababarkan wuxuu si weyn uga hadlay muhiimada ay leeyihiin Filmada gaagaaban ee bulshada loo gudbinayo, kuwaasi oo xambaarsan fariimo wacyigelineed oo nuuc kasta leh, wuxuuna bogaadiyay dadaalka uu bixinayo Qabiir Cabdulqaadir Buufalo oo ah qabiir Soomaaliyeed in muddo ah kunoolaa dalka Koonfur Afrika.

Madaxda wasaaradda Warfaafinta ayaa dadaal ugu jira sidii Wakaaladda Filmada oo kamid ah qeybaha warbaahinta ee wasaaradda maqaabkeedi dib loogu soo celin lahaa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda

Faallo; Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa sii xoojinaya xiriirkooda taariikhiga...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo oo laga guddoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga

Safiirka JFS ee dalka Congo Mudane, Ilyaas Cali Xasan,...

Duqa Muqdisho iyo Culimaa’udiinka oo ka wada hadlay wacyigelinta bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay u adkaysiga cimillada

Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir muhiim ah oo...