Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeygalay Xuska maalinta Guusha Turkiga 

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarunta Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya uga qeyb galay Maalinta guusha Qaranka Turkiga oo sanad kasta marka la gaaro 30-ka Bisha Agoosto looga dabaal dego dalkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo khudbad ka jeediyay xafladda xuska Maalinta Guusha Qaranka Turkiga ayaa shacabka iyo Dowladda Turkiga ugu hambalyeeyay maalinta guushooda iyo sidoo kale 102-sano oo hada laga joogo horumarka ay ku talaabsadeen, waxa uuna ku amaanay doorkiisa ku aadan siyaasadda caalamka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa ugu dambeyn Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Dayip Erdogan dowladiisa iyo lllguud ahaan shacabka wadankaasi uga mahadceliyay taageerada walaaltinimo ee ay la garab taaganyihiin shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Maalinta Guusha Turkiga oo ah 30-ka Agoosto waxaa sanad walba laga xusaa guud ahaan dalkaasi, waxa ayna maalintani astaan ​​u tahay guusha qaranka Turkiga uu usoo halgamay xilligii uu socday dagaalkii xornimada qaran ee horseeday abuuritaanka dawlad cusub oo ah tan maanta la yiraahdo “Jamhuuriyadda Turkiga”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...