Xildhibaanada Golaha Shacabka oo soo gabagabeeyay Dooda Canshuuraha 

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyay kulanka 18-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa dhameystirka ka doodista soo jeedinta (mooshinka) Xildhibaanada ee ku saabsan arrimaha canshuuraha Iibka iyo cabashada ganacsatada.

Dooda Xildhibaanada oo soo socotay kulamadii ugu dambeeyay ee Golaha Shacabku yeeshay ayaa maanta la soo gabagabeeyay, waxaana dooda ka qeyb galay oo aragtooda ka dhiibtay soo jeedinta canshuuraha iibka 85-Xildhibaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Guddiga Maaliyadda loo xilsaaray iney Golaha Shacabka kusoo celiyaan arrimaha ay ka doodeen Xildhibaanada iyo cabashada ganacsatada.

“Guddiyada shaqo adag ayay hayaan waxaa inoo maqan saddex guddi, maanta Guddiga Maaliyadda ayaa arrintan dooda canshuuraha u saareynaa muddo kooban waa in Golaha Shacabka warbixin faahfaahsan usoo gudbiyaan, wixii sharciga waafaqsan iyo arrintaan culeyskeeda waxa keenay”, ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambeyn sheegay in warbixinta Guddiga Maaliyadda ka dib ay Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya go’aan rasmi ah soo saari doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartanka Sanadlaha Heer Qaran ee Xifdinta Qur’aanka Kariimka oo ka furmay Muqdisho 

Waxaa si rasmi ah u furmay Tartanka Sanadlaha Heer...

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Galmudug oo ku baaqay in Sakada la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen

Guddoomiyaha Dalladda Culimada Dowlad Goboleedka Galmudug, Sheekh Muxudiin Yuusuf...

Soomaaliya iyo Turkiga oo Ankara ku yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga Warbaahinta

Ankara, 25 Febraayo 2026: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...

Wasiirro shir Jaraa’id ay qabteen uga hadlay Baadda Khawaarijtu ka qaaddo Shacabka

Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shir...