UN-ka oo lagu qasbay hakinta gargaarka iyo Israel oo dishay in ka badan 20 ruux

Date:

Ciidamo ku hubeysan taangiyada Israel ayaa qaramada midoobay ku qasbay in ay hakiyaan howlihii gargaarka ee ay ka wadeen Deir el-Balah oo ku taal bartamaha Gaza, ka dib markii Israa’iil ay amartay in dad badan laga raro deegaankaasi oo ahaa xarunta howlgallada UN-ka.

Qaramada Midoobay ayaa xaqiijisay in lagu qasbay in ay hakiyaan howlihii gargaarka ee Gaza,ka dib markii ay ka soo guureen Rafah oo ciidamada Israa’iil ay duullaan dhulka ah ku qaadeen horaantii sanadka.

Wararkii u dambeeyay ayaa sheegay in saaka aroortii ciidamada Israa’iil oo weeraray Dier el-Balah iyo Khan Younis ay dileen ugu yaraan 14 qof, sida ay ku warameen wariyaasha ku sugan Marinka Qaza.

Agaasimaha Cisbitaalka Kamaal Adwan ee Beit Lahia ayaa sheegay in Isreal ay diidday shidaalka qaybta caafimaadka, ayna doorbideyso in gabi ahaanba la burburiyo.

Tirada dhimashada Falastiiniyiinta ayaa mareysa ugu yaraan 40,476 qof ,halka dhaawacana lagu sheegay 93,647 tan iyo dagaalkii bilowday 7-dii Oktobar ee sanadkii tagay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka...

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...