Safaaradda JFS ee Suudaan oo 31 dhalinyaro ah ka soo daysay xabsiyada dalkaas

Date:

:-Sii hayaha Safaaradda JFS ee dalka Suudaan oo la hadlay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa u sheegay in xabsiyada dalka Suudaan gaar ahaan, magaalada Portsudan ka soo dayeen 31 dhalinyaro Soomaaliyeed  oo muddo ku dhow 5 bilood ku xiraa halkaas, kuwaas oo maanta loo soo dhoofiyay Dalkooda Hooyo.

“Waxaan noo suurto gashay inaan ka soo deyno xabsiyada magaalada Portsudan dhalinyaro soomaaliyeed oo kooxaha dadka tahriibiya ay si qaldan dalkooda uga soo tahriibiyeen, kuwaas oo gaaraya 24 wiil iyo 7 gabdhood , waxayna ku xirnaayeen xabsiyada mudo 5 bilood ku dhaw” ayuu yiri siihayaha Safaaradda Suudaan ee Soomaaliya Axmed Cabdi Xassan( Axmed Suudaani).

Sii hayaha Safiirka Suudaan Amb Axmed Cabdi Xassan( Axmed Suudaani) ayaa sheegay dhanka kale sheegay in 11 dhalinyaro tahriibayaal Soomaaliyeed ah oo laga soo daayay xabsi ku yaala magaalada Dungula oo Portsudan u jirta kun KM ku dhawaad, lagala dagay baskii ay saarnaayeen, kuwaas oo aan laheyn ilaa hadda meesha la geeyay, balse uu tilmaamay in daddaal ku aadan helidda dhalinyaradaas ay wado Safaaradda.

“Waxaa kaloo jira dhalinyaro gaaraya 11 oo iyagoo tahriibaya lagu xiray magaalada Dungula oo Portsudan u jirta 1000 KM ku dhawaad ,laakiin iyagoo loo soo wado Portsudan si aan ugu dhoofino halkaan ay koox hubaysan ay si xoog ah ugala dageen basaskii waday ilaa iyo hadan war laga haynin halka lageeyey” ayuu yari Amb Cabdi Xassan. ( Axmed Suudaani).

Amb Cabdi Xasan ayaa sheegay in Koox hubeysan oo sitay qoryo inay baska istaajiyeen, dhaawacnna u geystay askartii waday dhalinyarada kana qaatay agabkii ay wateen, cagahana ka banjariyay baskii, kuwaas oo uu tilmaamay in loo badinayo inay ahaayeen maleeshiyaadkaas kuwii marka hore ka soo tahriibiyay Soomaaliya.

“Suudan waxa ka jira Dagaal Sokeeye qofka ajaanibka ah ee sife qaldan ku soo galaa waxa loo arki karaa inuu yahay calooshiisa u shaqaysta raba inuu ka qayb noqdo dagaalka Sokeeye wuxuuna mudan karaa Xabsi dheer” ayuu yiri Sii haya Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan.

Sii hayaha Safaaradda Suudaan ee Soomaaliya Axmed Cabdi Xassan ayaa uga mahadceliyey madaxda Suudaan iyo hay’adda IOM oo kaalin wayn ka qaatay badbaadinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xirnaa halkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...