Ra”iisul Wasaare Ku-Xigeenk oo furay munaasabadda Saxiixa Heshiiska iskaashi ee Hay’adda NIRA Bangiyada Dalka

Date:

Ra”iisal Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Ahmed Jaamac ayaa si rasmi ah u furay munaasabadda Saxiixa Heshiiska Iskaashi ee Hay’adda Diiyaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha (NIRA) iyo Midowga Bangiyada Soomaaliyeed.

Iskaashigan ayaa door lixaad leh ka qaadan doona dhaqangelinta nidaamka aqoonsiga qaranka si dadweynaha ay ugu fududaato helitaanka adeegyada asaasiga ah ee nidaamka maaliyadda iyo adeegyada bangiyadu koow ka yihiin.

Waxaa munaasabadda daahfurka sida oo kale ka soo qayb galay, wasiirro ka tirsan xukuumadda, Gudoomiyaha Bangiga Dhaxe, wakiillo ka socda ganacsatada, bangiyada, ururrada bulshada rayidka iyo martisahaf kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda

Faallo; Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa sii xoojinaya xiriirkooda taariikhiga...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Congo oo laga guddoomey Waraaqihiisa Aqoonsiga

Safiirka JFS ee dalka Congo Mudane, Ilyaas Cali Xasan,...

Duqa Muqdisho iyo Culimaa’udiinka oo ka wada hadlay wacyigelinta bulshada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Soomaaliya oo ka qaybgashay shir looga hadlayay u adkaysiga cimillada

Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir muhiim ah oo...