Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ka Warbixiyay Wadahadaladii U Dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa ka hadlay qodobbo dhowr ah oo ku saabsan halka ay marayaan wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wasiirka ayaa dhaliilay hadallo ka soo yeeray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, oo ay ku sheegeen in ciidamada Itoobiya ay “si qasab ah” ku joogaan Soomaaliya, isagoo carabka ku dhuftay in hadaladaasi ay sii adkeynayaan Xaaladda jirta.

Wasiirka oo ka jawaabayay hadaladii Itoobiya ee ahaa in ay jiraan ciidamo Itoobiyaan ah oo dhiig u huray difaaca Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ay sidoo kale gacan ka geysteen dilka in ka badan 20 kun oo Soomaali ah sanadihii 2007-2008, sidoo kalena ay burburiyeen hanti dadweyne, ayna sababeen barakaca 800 kun oo qof.

“Waa jiraan Ciidamo Itoobiya iyo guud ahaan howlgalka ATMIS uga dhintay dagaalka lagula jiro Khawaarijta balse taas micnaheedu ma ahan aan baddaada iyo dhulkaaga qaato, intaas waxaa ka badan inta nooga dhintay si dalka looga xoreeyo gumeysiga”

Wasiirka ayaa intaasi ku daray inaysan jirin wax gooya qiimaha wadajirka dhuleed iyo badeed ee Soomaaliya, hadii ay tahay maal ama dhiigba.

Gabagabadii, Wasiirka ayaa bogaadiyay mowqifka dowladda Turkiga ay ku dooneyso in xal looga gaaro xiisadan, isagoo rajeeyay in wareegga soo socda uu ka soo baxo xal ku saleysan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...