Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS oo xarigga ka jaray Sheybaarka dhexe ee Xoolaha iyo xarumo kale

Date:

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa ee XFS mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay) oo uu wehliyay Wasiirka Dekadaha XFS mudane, C/llaahi Axmad Jaamac Ilkajiir ayaa maanta xarigga ka jaray xarumo cusub oo ay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ka hirgelisay Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Xarumahan oo kala ah Sheybaarka dhexe ee Xoolaha, qeybta shahaado bixinta, xarunta dhexe ee Wasaaradda iyo goobaha xoolaha lagu nasiyo inta aan laga dhoofin Dekadda ayaa waxaa maalgeliyay Bangiga horumarinta Afrika, waxana fulisay hey’adda Save the Children.

Dhinaca kale, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane C/llaahi Axmad Jaamac Ilkajiir ayaa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ku bogaadiyay higelinta xarumahan muhiimka ah, wuxuuna rajo ka muujiyay in goor dhowr Dekadda Muqdisho laga billaabo dhoofinta xoolaha nool ee Dalka.

Ugu dambeyn Wasiirka xanaanada xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XfS Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in xarumaha la dhisay ay wax badan ka tari doonaan horumarinta dhoofka xoolaha oo ka mid ah ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...

Hay’adda SODMA iyo Maamulka K/ Galbeed oo Bakool ka sameeyay howlo biyo dhaamin ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...