Ummad yahay u nooloow, Sida Aadmigoo kale (WARBIXIN)

Date:

Waxaa si rasmi ah u dhaqan galay Canshuurta Gadista ee loo yaqaano (VAT) taasi oo qaab system ahaan u go’aysa marka uu dhacayo kala iibsi suuqa ah, taariikh ahaan waxaa canshuurtaartani ka soo bilaabatay wadamada Jarmalka iyo Faransiiska.kadibna waxa uu ku baahay dalal ka kala tirsan Caalamka, waxayna Jarmalku ku bilaabeen lacag dhan 18$ sanadkii 1918-kii, halka Faransiiskuna uu bilaabay sanadkii 1954-kii qaadist canshuurta oo dhammeyd 16$.

Canshuurtaan oo horay ay dowladdu soo rogtay ayaa dhawaan si rasmi ah u bilowday, iyadoo horay isku dayo badan oo loo sameeyay aysan u hirgelin, iyadoo dhinaca kale isfaham laga gaaray Ganacsatada maalmahaan cabashada qabay iyo dowladda, iyadoo qeybo ka mid ah suuqa bakaaraha uu xiranaa, halka ay furanaayeen Suuqyada kale ee magaalada.

Qiimaha lagu bilaabay Canshuurtaan oo ah 05% ayaa ah kan ugu yar waddamada geeska Afrika, taasi oo ah u turis ay Dawladdu u tureyso Shacabka Soomaaliyeed oo ka soo kabanaya duruufo qalafsan oo muddo dheer ay ku soo jireen. Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyada oo dhawaan is faham ay ka gaareen Dawladda iyo Ganacsatada cabshooyinkii ka yimid, kuwaasi oo ay Dawladdu balanqaadday in ay ka jawaabayso. Talaabadaan waa mid kor u qaadaysa awoodda iyo sharafta Dawladnimada Soomaaliya, waxayna horseedaysaa in Dawladdu kordhiso adeegyada dadweynaha sida Amniga, Waxbarashada, Caafimaadka, Dib u dhiska Waddooyinka iyo Horumarinta hay’adaha Qaranka, taasi ayaa ah talaabo kale oo Dawladdu u qaadeyso xoojinta iyo hirgalinta nidaamka Dowladnimada, waxayna muujinaysaa horumarka maalin kasta ay ku talaabsanayso Dawladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo hadal jeedintiisa diiradda ku saaray xaaladda dalka, duruufaha ku xeeran dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qorshaha dowladda ee difaaca madaxbannaanida iyo qarannimada dalkeenna ayaa ku dheeraaday arrimaha canshuuraha oo cabasho laga qabay, asaga oo yiri “Majirto Canshuur cusub oo dowladdu soo kordhisay balse waxaa cusub nidaamka lagu bixinayo”.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda dowladda FS mudane Biixi Iimaan Cige oo dhawaan ka hor hadlay golaha shacabka Jamhuuriyadda FS ayaa sheegay in cabashada ganacsatada Muqdisho aysan aheyn canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogay, balse ay culeysyo ka muujiyeen lacago kale oo laga qaado, wuxuuna xusay in ganacsatadu ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay, “taasna aanu ka jirin wax caqabad ah, balse dowladdu ay hadda ku howlan tahay in ganacsatada laga dul qaado culeysyada kale ee aan qaban”. Biixi ayaa sheegay in wax badan oo ka mid ah caqabadaha ay ka cawdeen ganacsatada la xaliyay, uuna la fariistay guddi ka socda, haatana la doonayo ilaa heer xukuumadeed in cabashadooda la gaarsiiyo, si go’aan mug iyo miisaan leh oo xal rasmi ah keeni kara looga soo saaro.

“INTAAD FALIN KA FIIRSO. Dawladuhu waxay ku shaqeeyaan waa canshuurta, dalalkuna waxay ku kala horreeyaan waa hadba in u dhiganta heerka isku fillaansho iyo ka maaranka kaalmada & ku tiirsanaanta shisheeyaha. Haddii Canshuurta la diido waxay la macne noqonaysaa “Dan kama lihine dawladnimadeenna ciddii doonto ha iibsato”. Sidoo kale haddii canshuurta la siyaasadeeyo waxaa lumaya jiheeyaha akhlaaqeed ee siyaasadda (political moral compass). Fiicanaa inta tabarta la hayo in talada wanaagsan la helo, lana qaato”, sidaasi waxaa boggiisa Facebook-ga ku qoray Suldaan Cabdiqani Qorane.

Abwaan Cusmaan Guure ayaa isna su’aashaan is weydiiyay “Qaaraanka beelaha Leyskuma qilaafee Maxaa Qaranka tiisii Hadba looga qeylshaa?”.

ugu dambeyntii Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ka dooday qaadista canshuurta Gadista ee loo yaqaan(VAT), iyadoo Xildhibaanada qaar oo ka hadlay kulanka ayaa soo dhaweeyay sida ay dowaladda uga jawaabtay cabashadii ay qabeen gancsatada,iyagoo gancsatada faray in ay bixiyaan Canshuurta si dalku u gaaro isku filnaasho. Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad ayaa yiri “Dowlad ma shaqeyn karto haddii aan canshuur la bixin, qof kastana waa ogyahay.” Xildhibaan Cabdulqaadir Baaraka “Dowladda Soomaaliyeed waa ku mahadsan tahay sida ay u xalisay cabashadii ganacsatada, haddii aan canshuur la qaadin kaalmo shisheeye ka maarmi meyno.” Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir “In aan dowlad u ekaano waxay naga xigtaa in aan canshuur qaadno”, Xildhibaan Maxamed Haaruun ayaa isna yiri:- “Waa ceeb in aan hoorsano gacmaha shisheeye fadlan aan bixino canshuurta dowladda”, halka Xildhibaan Caasha Koos ay tiri:- “Maanta waxaan islahaa Baarlamaanku waxa uu dowladda ugu hambalyeynayaa sida ay u maareysay cabashadii Ganacsatada iyo Bajaajleyda.”

Madaxweynaha dowladda FS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed, isagoo dul istaagay arrimaha dalka ka taagan oo ay ka mid yihiin la dagaalanka Khawaarijta, hirgelinta nidaamka canshuuraha iyo cabashada ay qabaan qaar ka mid ah dhallinyarada Bajaajlayaasha ayaa sheegay in dowladdu ay dhageysatay cabashada ganacsatada iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka cabanaya canshuuraha iyo lacago ay sheegeen in lagu siyaadiyay.

“Cabashada bajaajlayaasha wax badan oo ka mid ah waa la xaliyay, raali kama nihin wax iyaga dhibaya, dowladda FS iyo anoo madaxwynaha ahba ogolaan mayno” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna ugu baaqay dhallinyarada inay xaq u leeyihiin cabasho muujinta, balse loo baahan yahay inay maraan hanaan nabdoon, si aan loogu soo dhex dhuuman.

“Si looga jawaabo cabashada dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka shaqeysata Mooto Bajaajta, waxaan yeelanay kulan ay goobjoog u ahaayeen guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) , waaxyaha ay quseysa ee gobolka , wasaaradda amniga, Wasaradda Maaliyada, Booliiska iyo taliska ciidanka nabad-galyadda waddooyinka, waxaan isla qaadanaya sida ugu dhaqsaha badan ee ugu habboon in xal loo helo tabashada Darawalada Mooto Bajaajta”, sidaasi waxaa warbaahinta u sheegtay Fowsiyo Cisman Cigaal Wasiirka Gaadiidka XFS.

“Kulanka oo ay ka soo baxday go’aamo wax looga beddelayo dhammaan arrimaha ay tabashada ka muujiyeen dhallinyarada Moota Bajaajka ku shaqeysata , ayaa sidoo kale waxaan hoosta ka xariignay in mudnaan la siiyo dhallinyarada Moota Bajaajta”, ayay sii raacisay Fowsiyo Cisman Cigaal Wasiirka Gaadiidka

Afhyeenka Maamulka gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta la wadaagay go’aannada ka soo baxay kulanka deg deg ahaa ay isugu yimaadeen madaxda hey’addaha ay Khuseyso cabashadda ay muujiyeen wadayaashada gaadiidta Bajaajta. Waxaana ka mid ah go’aannadaas:

Lacagta Leysinka waxaa laga dhigay 106.5, halka markii hore cel celis uu ahaa $200.

Haddii uu leysinka kaa dhaco waxaa laga dhigay 32 doolar oo kaliya, haddii uu kaa lumana 20 dollar.

Mudada dhicista Leysinka oo markii hore aheyd saddex sano, hadda waxaa laga dhigay 5 Sano.

Ganaaxa qofkii Leysin la’aan ah oo markii hore aheyd 50$, hadda waa 5$.

Warqadda Caafimaadka oo markii hore aheyd 25 ilaa 30$, hadda waa 15$.

Warqadda dhalashada iyo Sugnaanta waa 10$.

Halka waraaqada dambi la’aantana alaga dhigay 10$.

ugu dambeyntii waxaannu leenahay ‘Dalkada ku dhis Afkaaga, Jeebkaaga iyo Muruqaaga’.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo maanta soo gabagabeyn doono socdaalkiisa rasmiga ah ee Ethiopia

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

WASIIRKA WARFAAFINTA OO QAABILAY WAKIILKA MIDOWGA AFRIKA EE SOOMAALIYA

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KAMPALA KAGA QEYB-GALAY SHIRKA CAALAMIGA AH EE HORUMARINTA BEERAHA EE AFRIKA (CAADP)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo socdaal diblomaasiyadeed ugu ambabaxay Yugandha iyo Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...