Ciidanka xoogga Dalka oo khawaarijta kala wareegay degaanno hoostaga degmada Luuq ee Gobolka Gado

Date:

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyo kuwa Daraawiishta jubbaland ayaa howlgal ka sameeyay waddada xiriirisa

degmooyinka Luuq iyo Doloow ee Gobolka Gedo,halkaa oo khawaarijtu mudooyinkii dambe ay khawaarijtu ku dhibateynayeen dadka shacabka ah.

Ciidamada ayaa la wareegey fariisimo ay khawaarijtu ku lahayeen degaanada Shataaloow, Aboow iyo laaqeey, iyadoo halkaasi khasaare xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijta, sida ay Warbaahinta u sheegeen Saraakiisha hhowlgalka hoggaamineysay.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee Gobolka Gedo Cali Xasan Cabdi oo howlgalka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalka, isaga oo sheegay inay degaano badan kala wareegeen Khawaarijta,hadana ay gacanta ciidanka dowladda ay ku jiraan.

Degaannada iyo degmooyinka Gobolka Gedo ayaa waxaa intooda badan gacanta ku haaya Ciidamada xoogag dalka Soomaaliyeed,waxana qorshuhu yahay in goobaha kale ee khwaarijtu ku sugantahy laga xoreeyo,si bulshada u helaan nabad iyo xasilooni.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th March, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud led the Eid al-Fitr...

Hay’adda SODMA iyo Maamulka K/ Galbeed oo Bakool ka sameeyay howlo biyo dhaamin ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

CIID MUBAARAK 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Salaadda Ciidul...