Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo la dardaarmay 12 safiirro magacaaban iyo labo qunsul guud

Date:

-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi , ayaa maanta oo Axad ah kula dardaarmay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho 12 safiirro magacaaban iyo labo qunsul guud kadib markii Golaha Wasiirradu isku raaceen magacaabiddooda 6 bishan August.

Intii kulanka qaabilaadda lagu guda-jiray, Wasiir Fiqi waxa uu safiirrada magacaaban iyo labada qunsul guud xog-waran ka siiyay howlaha ay u xilsaaranyihiin, isaga oo sheegay in ay u howlgalaan sare yeelidda danaha qaran ee Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka caalamiga, iyadoo laga filayo in wax la taaban karo ay ku soo kordhin doonaan dadaallada diblomaasiyadeed ee dalka.

Wasiirku waxa uu u rajeeyay xubnahani magacaaban in ay ku guulaystaan, kana soo dhalaalaan waajibaadka loo igmaday, isaga oo ku dhiirrigeliyay in howlaha ay u qabtaan si wadannimo, naf-hurnimo, daacadnimo iyo hufnaan leh. Waxa uu carabaabay kalsoonida uu ku qabo awooddooda in ay ku matalaan Soomaaliya si wax-galnimo leh oo gacan ka gaysanaysa kor u qaadidda sumcadda dalka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...