Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo la dardaarmay 12 safiirro magacaaban iyo labo qunsul guud

Date:

-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi , ayaa maanta oo Axad ah kula dardaarmay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho 12 safiirro magacaaban iyo labo qunsul guud kadib markii Golaha Wasiirradu isku raaceen magacaabiddooda 6 bishan August.

Intii kulanka qaabilaadda lagu guda-jiray, Wasiir Fiqi waxa uu safiirrada magacaaban iyo labada qunsul guud xog-waran ka siiyay howlaha ay u xilsaaranyihiin, isaga oo sheegay in ay u howlgalaan sare yeelidda danaha qaran ee Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka caalamiga, iyadoo laga filayo in wax la taaban karo ay ku soo kordhin doonaan dadaallada diblomaasiyadeed ee dalka.

Wasiirku waxa uu u rajeeyay xubnahani magacaaban in ay ku guulaystaan, kana soo dhalaalaan waajibaadka loo igmaday, isaga oo ku dhiirrigeliyay in howlaha ay u qabtaan si wadannimo, naf-hurnimo, daacadnimo iyo hufnaan leh. Waxa uu carabaabay kalsoonida uu ku qabo awooddooda in ay ku matalaan Soomaaliya si wax-galnimo leh oo gacan ka gaysanaysa kor u qaadidda sumcadda dalka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...