Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Wasiirada Beeraha Dowlad Gobaleedyada dalka

Date:

Wasiirka wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareye) oo ay wehliyaan Wasiirrada dowlad gobaleedyada Wasaaradaha Beeraha oo safar shaqo u joogo Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad goboleedka Hirshabelle, ayaa shir ku yeeshay Xarunta Dhexe ee Wasaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabeele.

Inta uu kulanka socday, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle, ayaa soo bandhigtay howlaha la xariiro beeraha ay ka wadaan Hirshabelle sida Mashaariicda Horumarineed ee Beeraha.

Madaxdu waxey sidop kale la kulmeen Iskaashatoyinka Beeraha iyaga oo la wadaagay siyaasadda qaran ee Iskaashatooyinka Beeraha, siyaasadda qaran ee fidinta beeraha, howlaha horutabinta u leh Dowladda ee dhanka Beerha iyo sida ay Wasaaradda Beeraha uga go’antahay caawinta iyo garab istaaga beeraleyda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Algeria

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa ku...