Wasaaradda Maaliyadda XFS oo sheegtay in ay bilaaban doonto qaadista canshuurta gadida 18 Agoosto, 2024 

Date:

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay marwalba uga mahadcelineysaa shacabka Soomaaliyeed doorka wanaagsan ay ka qaataan kobcinta dakhliga dowladda, kaas oo muhiim u ah inay dowladdeenu gudato waajibaadyada kaga aadan muwaadiniinteeda sida sugidda ammaanka iyo bixinta adeegyadda muhiimka oo ay ka mid yihiin cadaaladda iyo waxbarashadda.

Waxaa xusid mudan in canshuurta ay bixiyeen canshuur-bixiyaasha kala gedisan ay u horseeday in markii ugu horeysay taariikhdeena, dowladdu ku guuleysato in ay dakhliga gudaha ku filnaado oo wada daboolo mushaharaadka kala gedisan ee dowladdu siiso Shaqaalaheeda, Askarta, Dhaqaatiirta isbitaaladda dowladda iyo shaqaalaha kale. Sidaas oo kale, dakhliga gudaha ee canshuur-bixiyayaashu soo geliyeen dowladda ayaa suurageliyay in la daboolo mushaarka 6,000 oo macalin oo ay dowladdu shaqaalaysiisay labadii sanno ee la soo dhaafay. Kharashyadan kala duwan ayaa wakhti dheer laga kabi jiray deeqa dibedda.

Wasaaradda Maaliyadda oo ku dadaaleysa in dalkeenu gaaro isku-filnaasho maaliyadeed, awoodna u yeesho bixinta adeegyadda muhiimka ah sida horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ayaa dadaal ballaaran gelisay sidii loo kobcin lahaa dakhliga gudaha iyadoo la xoojinayo hanaan- ka loo qaado canshuuraha kala gedisan. Taas oo keentay in la adeegsado nidaamyo casri oo horumarinaya hufnaanta iyo isla xisaabtanka si loo xaqiijiyo in canshuurta muwaadiniinteena ay bixiyaan ay si toos ah u gaarto kaliya Khasnadda Dhexe ee Dowladda.

Hadaba, Wasaaradda oo dadaaladaas xoojineysaa ayaa dhawaan ku dhawaaqday casriyeynta hanaanka qaadista canshuurta gadida (Sales tax), oo ah canshuur dadban oo ay bixinayaan dadka iibsanaya badeecaddaha iyo adeegyada. Canshuurtan ayaa ahayd mid ay ganacsatadu dowladda u qaadaan kadibna u shubaan waqtiga ay bixinayaan canshuuraha kale ee ku waajibay ganacsiyadooda.

Wasaaradda, ayaa ku guuleysatay in nidaamyadda badeecooyinka iyo adeeg- yadda lagu kala gato ee loo yaqaano koontooyinka ganacsiyadda (Merchant Accounts) si toos ah uga jarto canshuurta wakhtiga ay dhaceyso kala gadasho kasto oo ay sameynayaan ganacsi- yadda iyo macaamiishoodu, canshuurtaas oo toos ugu dhacaysa Khasnadda Dhexe ee Dow- ladda.

Wasaaradda wax ay ku wargelineysaa dhammaan ganacsiyadda kala gedisan in laga bilaabo tariikhdu marka ay 18-ka Agoosto, 2024 ay qaan-sheegad kasto oo ay macaamiishoodu alaab ku gad- anayaan ay ku daraan 5% oo ah qiimaha canshuurta gadida si looga baaqsado in ganacsadaha lacagtii uu alaabta ku gatay ay u go’do canshuur ahaan. Si taas la ah waxaa la ogeysiinayaa ma- caamiisha ganacsiyadda iyo muwaadiniinta in wasaaradu si toos ah u dhaqangelin doonto qaadi- da canshuurta gadida.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac,...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyey qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah,...

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo...