Wasiirka Qorsheynta oo la kulmay Madaxa Cusub ee Iskaashiga Jarmalka ee Soomaaliya 

Date:

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Alena Kern, oo aheyd Madaxa Iskaashiga Horumarinta Dowladda Jarmalka ee Soomaaliya oo xilka ka degaysa, iyo Mudane Simon Hagemann, oo ah Madaxa Cusub ee Iskaashiga Horumarinta Dowladda Jarmalka ee Soomaaliya.

Kulanka, ayaa lagu falanqeeyey guulaha laga gaaray mashaariicda horumarineed ee hadda socda, iyadoo la isla gartay in la kordhiyo dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga labada dal, si loo xaqiijiyo guulaha mustaqbalka. Wasiirka, ayaa si gaar ah u xusay kaalinta muhiimka ah ee Alena Kern ay ku lahayd horumarinta xiriirka labada dhinac, isagoo ku ammaanay dadaalkeeda joogtada ahaa ee lagu taageerayay horumarinta Soomaaliya.

Intaa kadib, Wasiirku wuxuu si diirran usoo dhoweeyey Mudane Simon Hagemann, oo xilka la wareegaya. Waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in hogaamintiisa ay sii xoojin doonto iskaashiga labada dal, iyadoo la tixraacayo qorshayaasha cusub ee horumarineed ee la filayo in laga hirgeliyo Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale fursad u noqday in labada dhinac ay ka wada hadlaan qorsheyaasha mustaqbalka, oo ay ku jiraan mashaariic cusub oo la filayo in ay kaalin weyn ka qaataan horumarinta dhaqaalaha, bulshada, iyo deegaanka ee Soomaaliya. Iskaashigan cusub ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo horseedi kara isbeddel weyn oo dhinacyada kala duwan, gaar ahaan sidii loo heli lahaa xal waara oo loo dhan yahay.

Kulankaan wuxuu astaan u yahay sii socoshada iyo xoojinta xiriirka dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jarmalka, iyadoo la rajeynayo in iskaashiga labada dal uu noqdo mid miro-dhal ah, kaasi oo wax weyn ka tari doona horumarka dalka iyo nolosha dadka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Muqdisho ku soo dhaweeyay dhiggiisa Dalka Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda Waxbarashada oo dib u dhistay Iskuulkii Farsamada Gacanta Maxamuud Axmed Cali ee degmada Kaaraan

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka...

Howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho rasmi ah ku tegay Dalka Masar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...