Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaabilay Safiirka Soomaaliya u jooga Dowladda UK

Date:

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin, ayaa maanta xarunta Taliska Ciidanka xoogga dalka kulan kula qaatay safiirka Dowladda ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis.

Safiirka UK ee Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka ayaa si qota dheer uga wada hadlay qorshaha dhismaha ciidanka xoogga, dib u habeynta xerooyinka Ciidanka iyo sare u qaadista taageerada Dowladda Britain ee dhanka Ciidanka Millateriga.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Dowladda Ingiriiska uga mahad-celiyay qorshaheeda dhanka horumarinta Ciidanka iyo garab istaagga dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna taliyuhu Safiirka ku amaanay sida ay uga go’an tahay in uu ka dhabeeyo howlaha shaqo ee uu Soomaaliya u joogo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey gudidda xuquuqal insaanka Qaranka

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa cod Aqlabiyad leh...

Guddiga Garsoorka ee aqalka sare oo yeeshay kulan gaar ah

Guddiga Garsoorka, Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka...

Taliska Ciidanka Xoogga oo Digniin Adag Ka Soo Saaray Isticmaalka Calaamadaha iyo Astaamaha Ciidanka XDS

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Ka...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday 

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Shirka Iskaashiga...