Guddoomiyaha SoDMA oo hoggaaminaayo madax ka socta hay’adda UNOCHA oo gaaray Jowhar

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar, waxaana Garoonka diyaaradaha magaaladaas ku soo dhaweeyey wasiirro iyo maamulka gobolka Shabeellada dhexe.

Wafdiga Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa xubno ka socda Xafiiska hay’adda Bini’aadannimada Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya UNOCHA.

Guddoomiyaha ayaa magaalada Jowhar u gaaray qiimeynta iyo indha-indheenta qasaarihii ka dhashay dabkii dhowaan ka kacay suuqa ugu weyn ee magaalada Jowhar, wuxuuna xusay in la kulmi doonaan dadkii ku ganacsanayay suuqa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...