Duqa Muqdisho kulan la qaatay Agaasimayaasha guud ee Gobolka Banaadir 

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ayaa guddoomiyay shirka Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Shirkaan oo ahaa mid isla xisaabtan iyo kala war-qaadasho, ayaa looga hadlay dar-dargelinta shaqooyinka Dowladda Hoose ee Xamar, tayeynta shaqaalaha iyo sidii looga dhabeyn lahaa qorshayaasha hor-tabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir ee lagu horumarinaayo Caasimadda Muqdisho.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in la joogteyn doonno isla xisaabtanka Agaasimeyaasha Guud iyo Agaasime Waaxeedyada Maamulka Gobolka Banaadir, si loo dar-dargeliyo adeegyada loo haayo shacabka, isla markaana ay Howlwadeenada si hufun u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...