Dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiiska iskaashiga Difaaca iyo Amniga

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi.

Shirka, oo ka dhacay magaalada Qaahira, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirro ka tirsan labada dowladood, kuwaas oo qeyb ka ahaa wada-xaajoodyadii lagu gaari lahaa heshiisyada muhiimka ah ee iskaashiga difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Masar.

Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay in iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Heshiiskan cusub ee difaaca ayaa waxa uu dhabbaha u xaari doonaa iskaashi dhow oo ay yeelan doona wasaaradaha difaaca iyo amniga labada dal, waxaana lagu balamay in la fuliyo qorsheyaal wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo amniga ee Soomaaliya.

Kulanka kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay uga warbixiyeen nuxurka heshiiska la gaaray iyo qorshayaasha mustaqbalka ee labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka labada waddan ee walaalaha ah iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyagoo ka hadlay arrimo kale oo muhiim ah oo saameyn ku leh gobolka iyo xasilloonida qaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...