Dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiiska iskaashiga Difaaca iyo Amniga

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi.

Shirka, oo ka dhacay magaalada Qaahira, ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirro ka tirsan labada dowladood, kuwaas oo qeyb ka ahaa wada-xaajoodyadii lagu gaari lahaa heshiisyada muhiimka ah ee iskaashiga difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Masar.

Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay in iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Heshiiskan cusub ee difaaca ayaa waxa uu dhabbaha u xaari doonaa iskaashi dhow oo ay yeelan doona wasaaradaha difaaca iyo amniga labada dal, waxaana lagu balamay in la fuliyo qorsheyaal wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo amniga ee Soomaaliya.

Kulanka kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne Cabdulfataax Al-Siisi ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay uga warbixiyeen nuxurka heshiiska la gaaray iyo qorshayaasha mustaqbalka ee labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa adkeeyey muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka labada waddan ee walaalaha ah iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyagoo ka hadlay arrimo kale oo muhiim ah oo saameyn ku leh gobolka iyo xasilloonida qaaradda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Taliyaha CXDS “howlgallada ‘Kaaha Waaberi’ iyo ‘Ileys’ ayaa si weyn u naafeeyay Khawaarijta”.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Sarreeye Gaas Odawaa...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo su’aalo laga weydiiyey Dagaalka ka Dhanka ah Khawaarijta*

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay warbixin...

Guddiga Xuquuqul Insaanka ee BJFS oo ka dooday Axdiga Afrika ee Xuquuqda Carruurta.

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha...