XILDHIBAANDA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA XAKAMEYNTA KIIMIKOOYINKA BEERAHA SOOMAALIYEED.

Date:

 

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka,waxaana shir guddoominayay guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajendaha kulanka ee maanta ayaa waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka xakameynta kiimikooyinka beeraha Soomaaliyeed,waxaana warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedkan golaha u akhriyay guddoomiyaha guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed.

Intaasi ka dib xildhibaanadda golaha shacabka ayaa ka dooday qodobada hindise sharciyeedkan iyo faa’idooyinka uu dalka u leeyahay,sidoo kalena waxaa su’aalaha xildhibaanadda ee hindise sharciyeedkan ka jawaabayay wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo guddoomiyaha guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay dooda hindise sharciyeedka xakameynta kiimikooyinka beeraha Soomaaliyeed gudigana dib loogu celiyay si uu dooda iyo fikradaha xildhibaanada ugu soo daro akhrintiisa sedaxaadna uu golaha ugu soo celiyo.

Dhinaca kale xildhibaanadda golaha shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyay heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga gudba Qaramada iyo baratakooladiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha CXDS oo kulan dardaaran ah la qaatay Ciidamo u baxaya Tababar Dalka Dibaddiisa ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) S/Guuto Ibrahim Mohamed...

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay...

Ciidamada Qaranka oo gudaha u galay deegaanka Xawaadley ee Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta...

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa...