XILDHIBAANDA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA XAKAMEYNTA KIIMIKOOYINKA BEERAHA SOOMAALIYEED.

Date:

 

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka,waxaana shir guddoominayay guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Ajendaha kulanka ee maanta ayaa waxa uu ahaa Akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka xakameynta kiimikooyinka beeraha Soomaaliyeed,waxaana warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedkan golaha u akhriyay guddoomiyaha guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed.

Intaasi ka dib xildhibaanadda golaha shacabka ayaa ka dooday qodobada hindise sharciyeedkan iyo faa’idooyinka uu dalka u leeyahay,sidoo kalena waxaa su’aalaha xildhibaanadda ee hindise sharciyeedkan ka jawaabayay wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo guddoomiyaha guddiga Beeraha, Horumarinta Reer-Miyiga, Xoolaha & Khayraadka Badda ee golaha shacabka Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyay dooda hindise sharciyeedka xakameynta kiimikooyinka beeraha Soomaaliyeed gudigana dib loogu celiyay si uu dooda iyo fikradaha xildhibaanada ugu soo daro akhrintiisa sedaxaadna uu golaha ugu soo celiyo.

Dhinaca kale xildhibaanadda golaha shacabka ee baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa loo qeybiyay heshiiska Qaramada Midoobay ee la dagaalanka dambiyada abaabulan ee isaga gudba Qaramada iyo baratakooladiisa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...