Wasiirka Caddaaladda oo qaabilay Safiirka Dowladda Liibiya u fadhiya Soomaaliya 

Date:

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin, ayaa maanta qaabilay safiirka Dowladda Liibiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Nasri Maxamad Sanuusi. Kulanka, ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada cadaaladda iyo garsoorka.

Labada mas’uul, ayaa ka wadahadlay xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed ee siyaabaha kala duwan ugu jira xabsiyada Liibiya iyo muwaadiniinta u gacangalay maafiyada ka ganacsata dadka. Sidoo kale waxa ay labada masuul ka wadahadleen sida loo hirgelin karo heshiis iskaashi garsoor oo dhex mara labada dal.

Safiirka ayaa soo dhaweeyay dedaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu jirto xoojinta xiriirka labada dal, adkeeyayna in ay diyaar u yihiin ka hawlgalka arrimanta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka Liibiya siyaabaha kala duwan ugu dhibaataysan.

Labada Masuul ayaa isla gartay in si wadajir ah laba dowladood uga wadashaqeeyaan sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed dalkooda ugu soo noqon lahaayeen iyada oo loo marayo wadiiqooyinka dublamaasiyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...