Wasiirka Caddaaladda oo qaabilay Safiirka Dowladda Liibiya u fadhiya Soomaaliya 

Date:

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin, ayaa maanta qaabilay safiirka Dowladda Liibiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Nasri Maxamad Sanuusi. Kulanka, ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada cadaaladda iyo garsoorka.

Labada mas’uul, ayaa ka wadahadlay xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed ee siyaabaha kala duwan ugu jira xabsiyada Liibiya iyo muwaadiniinta u gacangalay maafiyada ka ganacsata dadka. Sidoo kale waxa ay labada masuul ka wadahadleen sida loo hirgelin karo heshiis iskaashi garsoor oo dhex mara labada dal.

Safiirka ayaa soo dhaweeyay dedaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu jirto xoojinta xiriirka labada dal, adkeeyayna in ay diyaar u yihiin ka hawlgalka arrimanta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka Liibiya siyaabaha kala duwan ugu dhibaataysan.

Labada Masuul ayaa isla gartay in si wadajir ah laba dowladood uga wadashaqeeyaan sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed dalkooda ugu soo noqon lahaayeen iyada oo loo marayo wadiiqooyinka dublamaasiyadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...