Kulan looga arrinsanaayo hirgalinta mashaariic hormarineed oo lagu qabtay Dagmada Gaalkacyo 

Date:

kulankaan oo ay soo agaasimeen maamulka dagmada Gaalkacyo, ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, Ganacsatada Siyaasiyiin,Waxgaradka, Guddiga santuuqa horumarinta dagmada iyo xubno ka socday Ururada Bulshada.

Gudoomiye ku-xigeenka dagmada Gaalkacyo Maxamed Cabdi Cilmi, ayaa ugu horeyn ka hadlay Ayaa yiri ” waxaan u codeeynaynaa ansixinta mashaariicdii horay la isugu Afgartay in laga bilaabo Gaalkacyo”

Ganacsade Cabdullaahi Axmed Faarax oo ku hadlayay magaca gudiga Santuuqa horumarinta Dagmada,ayaa ka warbixiyay halka ay wax u marayaan

Kulanka oo sidoo kale intii uu socday ay ka hadleen xubno ka socday ururada bulshada waxgaradka iyo ganacsato, ayaa waxaa gunaanadkii ka hadlay Xildhibaan Bashiir Sheekh Axmed oo ka mida golaha Baarlamaanka Galmudug iyo Guddoomiye ku-xigeenka Gobalka Mudug ee maamulka, iyadoo dhanka kale dhammaan bulshadii kulanka ka qeyb gashay ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen qorshaha Horumarinta dagmada Gaalkacyo.

Dhawaan, ayaa la filayaa in si rasmi ah loo bilaabo dhismaha,iyo fulinta Mashaariicda loo codeeyay in laga hirgaliyo. sidoo Waxaa Caasimada Galmudug dhici doono Shirweynaha horumarinta dagmooyinka Galmudug.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...