Mas’uuliyiin isbitaallada Muqdisho ku booqday dadkii waxyeelada kasoo gaartay weerarkii khawaarijta

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo uu wehliyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Xasan Bullaale ayaa qeyb wayn ka ah la socodka xaaladaha dhaawacyada dadkii waxyeelada kasoo gaartay weerarkii arxan darradda oo ay kooxda Khawaarijta ka geysteen xeebta Liido, isagoo booqday isbitaallada lagu dabiibayo dadka.

Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa saqdii dhexe ee xalay qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada dadkii waxyeelada kasoo gaaray weerarkii arxan darradda oo ay kooxda Khawaarijta ka geysteen xeebta Liido.

Duqa Muqdisho ayaa dul istaagay qaar ka mid ah dhaawacyada, asigoona warbixin ka dhageystay Takhaatiirta la tacaalaya baxnaaninta dhaawacyada. Waxa uu eebe ugu baryay caafimaad deg deg ah inta ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkaasi arxanka darnaa, asigoona jannatul fardowsa u rajeeyay shuhadadii ku shahiiday weerarkaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay Takhaatiirta iyo goobaha Caafimaadka in sida ugu wanaagsan oo aan shuruud ku xirneyn ay ula tacaalaan caafimaadka dadka ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkii Arxandaradda ee dhacay Liido, asigoona balan qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu gacan ka geysan doonno garab istaaga iyo gacan siinta Bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale dadka magaalada Muqdisho ayaa qeyb wayn ka ah u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee waxyeelada kasoo gaartay weerarkii khawaarijta, iyagoo dhiig u shubaya dhaawacyada, waxaana badaha bulshada ka socota fariimaha ku aadan garab istaagga dadkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...