Booliiska oo ka warbixiyey khasaraha ka dhashay qaraxii Liido

Date:

Afhayeenka Ciidanka Booliiska soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifataax Aadam Xasan oo goor dhowed Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey weerar xalay kooxaha Khawaarijta arxanka daran ku qaadeen Maqaayadda Peach View oo ku taal xeebta Liido goobtaas oo ah goob Dadka Shacabka ahi wakhtigooda ku qaataan.

Afhayeenka ayaa sheegay in goobta uu isku qarxiyey naftii Halige isku soo xiray walxaha qarxaha taas oo sababtay dhimashada 32 qof oo Shacab ah iyo 63 dhaawaca sida lagu ogaaday xogta hordhaca ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidanka Ammaanku ka hortageen saddex xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta kuwaas oo rabay in ay guddaha Hotelka ku laayaan Shacabkii guddaha ku jiray isla goobtana ay ku toogteen Ciidanka ammaanku.

Dhinaca kale Afhayeenka Ciidanka Booliiska ayaa xaqiijiyey in ay Ciidanku gacanta ku dhigeen Gaari Khawaarijtu ka soo buuxiyeen walxaha qarxa sidoo kalena goobta ku qabteen dhagar qabihii waday Baabuurka,sidoo kale Afhayeenka ayaa xusay in intii hawlgalku socday Ciidanka Ammaanka uu halkaas kaga shahiiday hal Askari mid kalena ku dhaawacmay.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...