Wasiir Maareeye “Dal kasta oo aan ka helno badeeco waxaa lagu qasbi doonaa inay badeeco naga qaataan”

Date:

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dowladdu ay waddo qorshe ku saabsan sidii loo heli lahaa isdhaafsiga badeecooyinka laga soo saaro gudaha iyo kuwa ka yimaada dibadda ee ay mamulaan ganacsatada.

Maareeye ayaa xusay in lacago aad u badan oo kaash ah loo daabulo dibadda,halkii ayuu yiri ay habboonaan laheyd in la helo isdhaafsi dhanka ganacsiga ah oo ay wadaagaan Soomaaliya iyo dalalka kale.

Wasiirka ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo ku aadan dhiirigalinta wax soo saarka gudaha dalka si looga maarmo soo dejinta badeecooyinka laga heli karo dalka,isagoo dhinaca kale tilmaamay in dowladda u soo jeesatay qiimeynta waxa dalku soo saari karo iyo waxa uusan soo saari Karin.

“Dalka waxa soo gala badeecooyin laga heli karo soomaaliya sida hilibka iyo nuucyada miraha khudaarta,sidaa daraadeed waxaa dalalka kale lagu qasbi doonaa inay badeeco naga qaataan”ayuu yiri Maareeye.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah Dowladda Sweden

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dhabi Ports Group

Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta qaatay Kaarka Codbixinta Doorashada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Madaxweynaha JFS oo ka tacsiyeeyey geerida Madaxweynihii hore ee Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...