Wasiirka Waxbarashada oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada , Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir Ustaad, Cabdulqaadir Maxamed Xasan, ayaa u gudbiyay Wasiirka Waxbarashada tallooyin lagu horumarinaayo waxbarashada hoose ee Gobolka Banaadir, isaga oo bogaadiyay dedaallada Wasaaradda Waxbarashada ay ku horumarinayso Waxabarashada.

Sidoo kale waxa uu dhiirrigaliyay guushii uu kusoo idlaaday imtixaankii dugsiyada sare ee dalka, kaas oo dhawaan ay dalka ka qabatay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliyeed.

Kulanka Wasiirka iyo Midowga Digsiyada Gobolka Banaadir, waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Waxbarashada iyo Barbaarinta Dr. Cabdullaahi Cabdi Cumar waxa ayna uga mahadceliyeen Madaxda Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir kaalinta mugga leh ee ay ka gaystaan horumarinta waxbarashada Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

dowladda Ciraaq oo si adag u cambaareysay xadgudubka ay Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Jamhuuriyadda Ciraaq ayaa si adag u cambaareysay aqoonsiga ay...

Jordan oo Sheegtay in Israa”iil xudgudub ku samaysay madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Dowladda Jordan oo Sheegtay in Israa’iil ay Xadgudub ku...

IGAD oo si Adag uga Soo Horjeesatay Isku Dayga Israa’iil ee Aqoonsiga Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya

Qoraal kasoo baxay Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay...

Natiijada doorashadii golaha deegaanka gobolka Banaadir oo maanta lagu dhawaaqayo

Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa maanta ku dhawaaqi doona natiijada...