Wasiirka Waxbarashada oo Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada , Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir Ustaad, Cabdulqaadir Maxamed Xasan, ayaa u gudbiyay Wasiirka Waxbarashada tallooyin lagu horumarinaayo waxbarashada hoose ee Gobolka Banaadir, isaga oo bogaadiyay dedaallada Wasaaradda Waxbarashada ay ku horumarinayso Waxabarashada.

Sidoo kale waxa uu dhiirrigaliyay guushii uu kusoo idlaaday imtixaankii dugsiyada sare ee dalka, kaas oo dhawaan ay dalka ka qabatay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliyeed.

Kulanka Wasiirka iyo Midowga Digsiyada Gobolka Banaadir, waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Waxbarashada iyo Barbaarinta Dr. Cabdullaahi Cabdi Cumar waxa ayna uga mahadceliyeen Madaxda Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir kaalinta mugga leh ee ay ka gaystaan horumarinta waxbarashada Dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo galabta la ciyaaraya dhiggooda Mauritius

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda Cagta ayaa ku...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has granted a 90-day...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cafis muddo 90...

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo laga hirgaliyay Xafiiska Hay’adda NIRA 

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle...