Agaasimaha guud ee hay’adda Socdaalka oo Shir uga qeybgalay Caasimadda dalka Tuniisiya

Date:

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Ahmed Saciid Mohamed iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa caasimadda dalka Tuniisiya ee Tuunis uga qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen madaxda Hay’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee wadamadada ku jira Ururka Jaamacadda Carabta.

Shirkan oo sannadle ah, ayaa waxaa xilligan diiradda lagu saaray, ka hortagga dukumentiyada safarka ee been abuurka ah iyo la dagaalanka socdaalka sharci daradda ah (Tahriibka), iyadoo gabagabadii lagasoo jeediyay talooyin ku habboon sida looga hortagi karo socdaalka sharci darada ah.

Shirka, ayaa oggolaaday in la abuuro Guddi Farsamo oo ka shaqeeya diyaarinta hab Digital ah oo lagu wadaago xogta la xirriirta safarka iyo dhaqdhaaaqa muwaadiniita wadamada ku jira Jaamacadda Carabta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a special Iftar...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo afur sharafeed u...

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 – Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixinta  dhammeystirka Dastuurka JFS 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...