Khudbadda Madaxweynaha ee furitaanka Kalfadhiga 5-aad BFS

Date:

Waxaa Sharaf iyo karaamo ii ah inaan furo kalfadhigan 5-aad ee BFS oo muhimmad weyn u leh geeddisocodka dowlad dhiska Soomaaliya ee aan ku matalayno shacabkeenna.

Ugu horreyntii Waxaan halkan tacsi uga dirayaa xubnahii ka geeriyooday BFS muddadii ka dambaysay furitaanka kalfadhiga afraad, ee kala ahaa:

1- AUN Xildh. Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye iyo

2- AUN Senator Abdirisaaq Maxamed Xareed

Waxa aan sidoo kale uga tacsiyeynayaa Barlamaanka Somaaliyeed, anigoo horaanba ugu tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, geeridii waayeelkii Soomaaliyeed, AUN Maxamaed Sh. Cismaan Jawaari, Guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka BFS.

Waxuu ahaa qof ummadda Soomaaliyeed ay tabi doonto aqoontiisii, kartidiisii, xikmaddiisii iyo wadaninimadiisii. Dhammaanteen Sammir Allaha naga siiyo

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan halkan ka bogaadinayaa howlaha baaxadda leh ee uu qabtay Barlamaanka afartii kalfadhi ee la soo dhaafay guuud ahaan, gaar ahaan kalfadhigii afaraad ee uu Barlamaanka 11-aad ku guulaystay ansaxinta afarta cutub ee ugu horreysa Dastuurkeenna KMG ah. Waa howl ina sugaysay in ka badan 12 sano, oo ay u suurtagali waysay Baarlamaanadii 9-aad iyo 10-aad ee aannu lahayn.

Howsha dhammaystirka dastuurka waxay dabarka ka furaysaa in bulshadeennu u dhaqaaqdo dowlad dhiska ku saleysan dimuqraadiyaynta, sarreynta sharciga iyo in muwaadinka uu helo xuquuqdiisadastuuriga ah ee in la doorto iyo inuu wax doorto.

Sidoo kale waxaan bogaadinayaa howlahii kale ee BFS uu soo qabtay kalfadhigii la soo dhaafay oo ay ka mid ahaayeen:

Meelmarinta shuruucdii muhimka ahayd ee sababay inaan gaarnoo in badan oo ka mid ah guulaha aan ku naalooneyno maanta, Korjoogteynta xukuumadda iyo guud ahaan mataaladda shacbka.

Waxaan si gaar ah u xusayaa qaraarkii Barlaamaanka ee ilaalinta gobnimada, midnimada iyo wadajirka dalka, oo jawaab u ahaa xadgudubkii ay dowladda Itoobiya ku samaysay qarannimadaiyo midnimada dadeed iyo dhuleedba ee dalkeenna.

Haddii aan u soo noqdo qaddiyaddii noogu muhimsanayd oo ah dibu-xoraynta, soo celinta nabadda, xasilinta iyo dhismaha ciidamada qalabka sida. Waxaa marag ma doonto ah guulaha ay gaareen ciidamadeenna xoogga dalka iyo ciidamada Difaaca dadweynaha ee loo yaqaan MACWISLEYDA.

Degaannadii la xoreeyay qaarkood waxaa maanta ka socda barnaamijka xalinta oo ah dib u soo nooleynta iyo dib u dhiska adeegyada bulshada.

Waxaan soo booqday maalmo ka hor mid ka mid ah goobahii la xoreeyay sannad ka hor, iyadoo uu isbeddel ka muuqdo dhanka nolosha, dhaqaalaha, amniga iyo adeegyada bulshada ee aasaasiga ah. In ka badan dhowr iyo toban sano ka dib, waxaa imtixaankii dugsiyada sare laga galay degmooyin ay mid yihiin Xaradheere iyo Ceel dheer. Ilaahey mahadi ha ka gaartee, waxaan gaarnay guulo waaweyn. Waana ku sii socon doonnaa la dagaallanka argagixisada ila uu dalkenna xor ka noqonayo. Ma jiro qorshe aan wadanno oo wadahadal nagu dhexmarayo argagixsada aan aqoonsanayn dowladnimada Soomaaliya.

Laga soo billaabo furitaanka kalfadhigii afraad oo ku beegnaa 24-kii Nofeember 2023; waxaa inoo rumoobay riyooyin ay muddo dheer Soomaaliya ku taamaysay. Maanta Soomaaliya waxay ku guuleysatay:

1. Iney ka mid noqoto iskaashiga dowaldaha Bariga Afrika ee (EAC).

2. Iney dhammaystirto Geeddi socodka dayn cafinta. Lagana cafiyey balaayiin doollar

3. In laga qaado cunaqabateyntii hubka, taasoo saarnayd muddo ka badan 30 sano.

4. In loo doorto xubinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sannadaha 2025-2026.

Guulahaas waxa ay astaan u yihiin inaan ka gudubnay marxalado adag oo ka dhashay dagaalladii sokeeye iyo geeddisocodka dowladnimadeenna oo gaabis ahaa sannad badan. Waa guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed oo wax badan u soo huray si ay ugu noolaadan siyaabaha bulshooyinka kale ee caalamka u nool yihiin. Guulahaas waxay ina saarayaan waajib kale oo ah inaan diiradda saarno sidii aan uga faa’iidaysan lahayn ama aan u xajisan lahayn si aanan dib ugu noqon halkii aan ka soo hayaannay.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Anigoo cuskanayo qaraarkii Barlamaanka ee ilaalinta gobanimada, midnimada iyo wadajirka dalka, waxaan aniga, xukuumadda iyo ummadda Soomaaliyeed oo dhan Gole kasta iyo goob kasta u tagnay, si aan u muujinno mowqifkeenna cad ee ku aadan qaddiyaddeenna.

Dowladda Etoobiya iyadaa caalamka wareegeysa iyadoo ka carareysaa qaladkii ay ka gashay diblomaasiyadda iyo xeerarka caalamka ee dunida ilbaxa ah ku dhaqanto. Shalay iyadaa jabisay daris wanaaggii iyo ku dhaqanka qaanuunka caalamkamaantana iyadaa wali diidan.

Itoobiya waligeed inta si darisnimo ah noogu timid marna nagalama hadlin arrimaha maanta taagan. Nasiib darro iyadaa wareegaaleysaneysa meel kasta oo leh ha nala heshiisiiyo Soomaaliya.

Soomaaliya ma aha midda xadgudubtay ama diidan heshiis. Xaalka dowladda Etoobiya waa HASHA IYADAA CUNEYSA OO CABAADEYSA. Soomaaliya waxay diyaar u tahay heshiis, nabad iyo deris wanaag. Laakin sida dowladda Itoobiya wax ku waddo ma aha waddo tagto meel nabad ah. Waxaan rabaa inaan caddeeyo wax Cadaawad ah uma qabno Shacabka Etoobiya. Waxaana la jecelnahahy nabad deggenaansho iyo iney ka gudbaan caqabadaha haysta maanta.

Toddobaadkii la soo dhaafay walalaheen Turkida ayaa noogu yeeray inaan aqbalno Gogol ay Itoobiya codsatay. Nasiib darro Itoobiya mowqifkeedii waxba iska badalin. Waana middaas sababta keentay in gogosha la madlo, annagoo aanan kulmin.

Annagu ma madlin gogosha ee Itoobiya ayaa sidaas codsatay. Waxay horay u codsatay in dib loo dhigo gogol billaw ahayd oo Nairobi ka furantay dibna uguma soo noqon. Waxaan rajeyneynaa tanne in aaney sidii tii hore oo kale ka baxin ballanta aan la soo galnay walaalaheen TURKIYE.

Waxaan sidoo kale baaqayga mar kale u dirayaa walaalaha Soomaaliyeed ee Gobollada Waqooyi, inay walaaltinimada, xilkasnimada iyo taariikhda kaashadaan, una noqdaan jidkii aan isla jeexnay laba maalmood ka hor, saxiixa is afgarad ku sheegga lala saxiixday Itoobiya. Jidkasi waa kii walaaltinimada iyo garawshiyaha oo wali inoofuran, aanna aaminsanahay inuu badbaado u yahay jiritaankeenna ummadnimo, iyo soocelinta karaamadeenna iyo sharafteenna. Haddii aan wadajireyno iyo haddii kala tageyno waa howl u gaar ah oo quseysa dadka Soomaaliyeed oo kaliya.

Guddoonka sharafta leh,

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan la socdaa in ajandayaal muhim ah ay horyaallaan kalfadhigan. Kuwaasi oo ay ka mid yihiin sharciyada la xiriira dimuqraadiyaynta dalka sida kuwa xisbiyada iyo kuwa doorashooyinka. Sidoo kale hay’adaha maamulka doorashooyinka, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo kuwa garsoorka.

Walaalyaal, muddooyinkii la soo dhaafaydalkeennu waxuu soo maray xaalado muujinayo soo kabasho dhanka maamul dhiska iyo dimoqraadiyadda, waxaan ku sii siqaynaa in muwaadinka Soomaaliyeed helo fursad uu wax ku doorto iyo mid lagu doorto intaba. Waxaan filayaadoorashooyinkii dadbanaa in aaney ahayn kuwo loo xiiso qabo maanta.

Waxaan wada xusuusannaa, in 2012kii barlamaankeenna ay soo xuleen odayaal dhaqameed (135) ah oo badankood degganaa hoteello ku yaal caasimadda, halka 2016 kii aan u daadejinnay in lagu soo doorto dowlad gobolledyada. Tiro ka badan 14 kun ay codeeysay. Arrinkaas wuxuu u muuqday isbeddel weyn. 2022kiina in ku dhaw 30kun ayaa codeysay.

Manta waxaa nalaga sugayaa inaan dalka u horseedno doorasho toos ah oo guud ahaan shacabka qeybahiisa kala duwan siisa fursad ay ku codeeyaan iyagoo xor ah. Waana siineynaa shacabkeenna fursaddaas insha Allah.

Waxaa kale oo iyadana ahmiyad weyn leh, sii wadidda cutubyada ka dhiman dhammaystirka dastuurka si dalku uga baxo hubanti la’aanta DASTUURIGA AH.

Mudanayaal iyo Marwooyin.

Baryahaan dagaalada ahliga ah ee soo noqnoqday, waa qayb ka mid ah qorshaha cadawga iyo argagixsada ay iskaga horkeenayaan shacabka Soomaaliyeed, si aan uga sii jeesanno ka xoreynta dalka KHAWAARIJTA.

DFS iyo DG waxay sammeeyeen daallo lagu kala dhexgalayo laguna nabadeynayo degaannada colaadduhu ka jiraan. Waxaan bogaadinayaa dowlad goboleeyda ku howlan damminta colaadaha ka jira degaannada qaarkood.

Waana waajib dhamaanteen ina saaran inaan u guntano joojinta coladahaas.

Waxaan sidoo kale bogaadinayaa siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka,culimada iyo ururrada bulshada ee iyagane ku howlan damminta colaadaha.

Waxa aan ku soo gunaanadayaa hadal-jeedinteydakalfadhiga 5aad ee BFS, in anagoo Alle kaashaneyno oo aan ka mshquuleyn inaan wada aragno, Soomaaliya oo ku guuleysatay xoreynta deegaanada wali ku jira gacanta Khawaarijta, dejinta shuruucda aan ku horumarinayno dalka, dhameystirka hey’adaha Qaran ee muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo balaarinta adeegyada bulshada sida ballaarinta waxabarashada ubadka Soomaaliyeed ee gaaray da’da waxbarashada.

Mudanayaal iyo Marwooyin, Xubnaha labada Golle ee sharafta leh Kalfadhiga 5aad ee BFS waa inoo furan yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Arusha ee dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Arusha ee dalka Tanzania

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo...

Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha oo ka hadlay Doorashooyinka dalka

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Saadaad Maxamed...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay xuska Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC)

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi,...