Shirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Kalluumeysiga Dowladaha Xubanaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa si rasmi ah uga furmay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta ee Dowlad Goboleedka Galmuudg.

Date:

Shirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Kalluumeysiga Dowladaha Xubanaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa si rasmi ah uga furmay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta ee Dowlad Goboleedka Galmuudg.

Shirkaan oo ah kii 3aad ee Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga waxaa diiradda lagu saaray xoojinto wadashaqeynta u dhaxeysa Wasaaradaha heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, Warbixinta iyo hadafka horumarinta Kalluumeysiga, ka doodista iyo Hirgalinta Habraacyada Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga (FMDC) iyo mudnaan siinta ka hortagga kalluumeysiga xad-dhaafka ah, Jillaabashada noole biyoodka dabar go’aya, la dagaallanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo la socoshada saameynta isbadalka cimilada ee deegaan xeebeedyada.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo hadal kooban ka jeediyey shirka ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee laga qabtay horumarinta Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga wanaagsan ee kheyraadka badaha ee dalka, waxa uu sheegay in Kalluunku uu kamid yahay kheyraadka uu ALLE ku manneystay dalkeenna haddii si wanaagsan looga faa’iideystana ay horseedi karto in la gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waara.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa furitaanka shirka ka sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray shirarka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga, waxa uu sheegay in mudnaansiinta horumarinta Kalluumeysiga qaranka ay tahay waxyaabaha munaanta koowaad u ah golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

Wasiirada Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlad goboleedyada Jubaland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle, iyo ku xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si wada jir ah u sheegay in meel looga soo wada jeesto sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarinta Kalluumeysiga.

Shirkan ayaa la filayaa laga soo saaro warmurtiyeed lagu faahfaahinayo qodobada mudnaanta u leh golaha ee diiradda la saari doono si guulo looga gaaro ajendeyaasha qaran iyo heer federaala ee dhinaca Kalluumeysiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...