Wadamada G7 oo walaac ka muujiyay damaca gurracan ee Ethiopia ee dhulka Soomaaliyeed

Date:

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ayaa walaac ka muujiyay Heshiiska beenaadka sharci darada ah ee la sheegay inuu dhexmaray Itoobiya iyo Maamulka Gobalada Waqooyi oo qayb ka ah Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkaan.

Wadamada G7 ayaa ku adkaystay in la ilaaliyo sharciyada Caalamiga ah Madaxbaaanida iyo Qaranimada ee ku cad cahdiga Qaramada Midoobay.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ee Kanada, faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga Jaban, Boqortooyada UK Maraykanka iyo Ergayga Midowga Yurubka ayaa bogaadiyay horumarada lixaadka leh ee Soomaaliya ay ka samaysay dhanka Hay’adaha dhaqaalaha iyo ammaanka.

Sidoo kale waxay ku dhiiragaliyeen dowladda Soomaaliya inay sii wado oo ay sii laba jibaarto ka guul gaarida dagaalka socda ee ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo dhanka kale wasiiradu ay soo dhoweeyeen qorshayaasha ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo midowga Afrika ee ku aadan hormarinta qorshaha dowladdu ay kula wareegayso ammaanka wadanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo furay Shirweynaha Labaad ee Qiimeynta iyo Kormeerka Qaran

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska Congo DRC iyo jabhadda M23

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweyneysaa saxiixa heshiiska Doha...

Hay’adda SoDMA oo daahfurtay geedi-socodka Ka-hortagga Masiibooyinka. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo u maraysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka...

11 khawaarij ah oo lagu dilay howlgal ka dhacay nawaaxiga Xarardheere

Ciidamada Macaawisleyda ee ka howlgala degmada Xarardheere ayaa xalay...