Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudubtay kulanka kama dambeysta ah ee tartanka (Final) “SAWIRRO”

Date:

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa wareegga afar dhamaadka (Semifinal)ku tartamay Degmooyinka Xarardheere iyo Laascaanood oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyoSool, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Xarardheere iyo Laascaanood ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Xarardheere

Tartameyaasha Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug waxaa la weydiiyey todobo su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddexsu’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Laascaanood,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Xarardheere ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Laascaanood

Tartamayaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal oo kaliya, halka ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Xarardheere, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Laascaanood waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Hadaba kulankii 30-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Laascaanood ee Gobolka Sool, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 28-aad ee tartanka waxaa ku baratami doona degmooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Mudug oo ka wada tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sawir Qaade:- Muuse Cabdullaahi Cirro

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ku dhintay buuraha fog...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Norway u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Danjire Awaare oo ka qaybgalay kulanka wakiillada joogtada ah ee Jaamacadda Carabta

Danjiraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada...

Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan

Ugu yaraan 600 oo qof ayaa dhintay, 1,500 oo...