Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 9-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Kaaraan iyo Buur-hakaba oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Baay, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Tartameyaasha labada degmoo ee Kaaraan iyo Buur-hakaba ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Kaaraan
Tartameyaasha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Suโaal, todobadii suโaal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Afar suโaal, halka ay iska qaldeen Saddex suโaal, waxa ay ka faaโiideysteen Hal suโaal oo soo hareermartay dhigooda Buur-hakaba, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kaaraan ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Buur-hakaba
Tartamayaasha Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay waxaa dhankooda la weydiiyay todobo suโaal, waxa ay ka jawaabeen Afar suโaal, iyagoo iska qalday Saddex suโaal. Waxa ay ka faaโiideysteen Hal suโaal oo soo hareermartay tartamayaasha Degmada Kaaraan, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Buur-hakaba waxay noqotay Toban (10) dhibcood.
Guddiga tartanka ayaa sheegay in labada degmo ay noqdeen isku dhibco, isla markaana sida sharciga tartanku qabo waxaa lagu daray suโaalo dheeri ah si loo kala saaro tartamayaasha labada dhinac ee Kaaraan iyo Buur-hakaba ee Gobollada Banaadir iyo Baay.
Markii lagu daray suโaalaha dheeriga ah ayaa waxa ay tartamayaasha degmada Kaaraan ka jawaabeen suโaashii 8-aad ee la weydiiyay halka tartamayaasha degmada Buur-hakaba ay iska qaldeen tii 8-aad ee dhankooda la weydiiyay balse kama aysan faaโiideysan suโaashaas dhigooda Kaaraan, sidaa darteed tartamayaasha Kaaraan ayaa la yimid 12 dhibcood halka Buur-hakaba ay keensatay 10 dhibcdood, sidaas ayayna Kaaraan ugu gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka.
Hadaba kulankii 9-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 9-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Laascaanood iyo Shangaani oo ka kala tirsan Gobollada Sool iyo Banaadir.