Dowladda Soomaaliya oo ka Qayb Gashay Kulan Looga Hadlay Doorashada Midowga Africa ee 2025

Date:

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa  ayaa xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa kaga qayb galay kulankii 22-aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika, waxaana shirkan diiradda lagu saaray doorashada soo wajahan ee hoggaanka sare ee Midowga Afrika oo lagu wado inay dhacdo bisha Febraayo ee sanadka 2025.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Muritania ahna guddoomiyaha Guddiga Fulinta Midowga Africa Dr Mohamed Salem Ould ayaa shirkan kusoo bandhigay warbixin dhameystiran oo guddigu soo saaray, taasoo looga hadlay diyaargarowga loogu jiro doorashadan muhiimka ah ee hogaanka sare ee Midowga Afrika.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo goor horeba si rasmi ah u shaacisay inay u sharaxan tahay hogaaminta Midowga Afrika ee sanadaha 2025 ilaa 2029 ayaa dhankeeda abaabul xoogan iyo diyaar garow ugu jirta doorashada Midowga Afrika oo dhici doonta bisha Febraayo ee sanadka 2025.

Danjire Warfaa, ayaa shirkan ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa, isagoo si gaar ah ugu nuux-nuux saday in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto hanashada hogaaminta Midowga Afrika, isla markaana qorshayaasheeda wax qabad uu kamid yahay in la dar-dar geliyo hawlaha loo igmaday Ururka Midowga Afrika iyo sidoo kale xal u helidda xasaradaha ka taagan qaar kamid ah wadamada Africa.

Sidoo kale waxa uu intaa ku daray in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay soo dhoweynayso warbixinta diyaar garowga doorashada ee guddigu soo bandhigay, isagoo tilmaamay muhiimada ay leedahay in haweenka Afrika fursad loo siiyo inay kamid noqdaan hogaamiyayaasha Ururka Midowga Afrika iyo ka qayb galka doorashada soo aadan.

Mudo xileedka hoggaanka sare ee Midowga Afrika ayaa ah afar sano, waxaana la rajaynayaa in doorashada soo wajahan ee Guddiga Golaha Midowga Afrika ay dhex mari doonto Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ay u kala sharaxan yihiin Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Raila Odinga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Fiqi oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...

Gudoomiyaha hay’adda SoDMA oo Baydhabo gaaray

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka...

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay danjiraha UK

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Wasiir Fiqi oo qurbajoogta kala shiray doorkooda la dagaalanka argagixisada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta...