Ciidanka taliska Abiye oo laga saaray magaalada Bahir-dar

Date:

Xaalad kacsan ayaa laga soo warineyaa, magaalada Bahir Dar ee xarunta is maamulka Amxaaradda ee Itoobiya, ka dib dagaalo qaraar oo shalay ilaa saaka ku dhex maraya ciidanka maamulka Addis Ababa iyo jabhadda FANO.

Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, jabhadda Fano ayaa inta badan la wareegtay magaalada Bahir Dar, mana jiro wax dhaq dhaqaaq dadweyne oo saaka ka jira halkaas.

Shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa baajisay dhammaan duulimaadyadii ay ku tagi laheyd magaalada Bahir Dar.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada khasaaraha nafeed ee dagaalka ka socda Bahir Dar, haddana ilo war gal ah, waxay sheegeen in ku dhowaad 20 kamid ah ciidanka maamulka Addis Ababa lagu dilay dagaalka.

Guul darooyinka is daba jooga ah ee ay la kulmayaan ciidanka maamulka Abiy ayaa tusaale u ah hogaamin xumada Abiy Axmed, taas oo sida khubarada gobolka aaminsan yihiin keeni doonta burburka Itoobiya.

Magaalooyinka iyo degaanada ku dhow dhow Bahir Dar, ayuu dagaalka ku fidey, waxaana kamid ah, waqooyiga Shoa, Gojjam, Gondar, waqooyiga Wollo iyo kuwo kale,
Maamulka Abiy ayaa hadda isku dayaya in ay iska caabiyaan dharbaaxada kulul ee ay ku dhufteen jabhadda FANO, waxayna ciidamo ka soo aruuriyeen deegaanka Benshagul ee dhaca waqooyiga galbeed ee Itoobiya,
Isku daygaas oo u muuqanaya mid aan xilliga waaciqi aheyn, maadaama gobolka intiisa badan horey looga soo saaray maamulka Abiy.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...