Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka qayb galay munaasabad lagu taageerayey dib u eegista dastuurka

Date:

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Hotel SYL kaga qeyb galay munaasabad ballaaran oo lagu taageerayay dhameystirka dib u eegista dastuurka, oo uu soo qaban qaabiyay Xildhibaan Guleed Biixi Cabdi.

Munnaasadda ay ka soo qeyb galeen bulshada qeybaheeda kala duwan iyo Xildhibaanno, ayuu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ka jeediyay Khudbad uu kaga hadlay mihiimada uu leeyahay dhameystirka Dastuurka ayaa waxaa uu ku sheegay in horumar uu u yahay jiritaanka qarannimada, sarreynta sharciga, iyo xaqa uu leeyahay muwaadinka Soomaaliyeed. Guddoomiyaha ayaa xusay in uu sameyn doono dhageysi dad-weyne oo aragtidooda ka dhiiban doonaan dhameystirka dib u eegista Dastuurka KMG.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale kormeeray Xafiiska Xiriirka Dadweynaha ee uu furay Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi oo loogu adeego shacabka uu matalo iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, waxaana uu Guddoomiyuhu ku dhiira-geliyay inuu xoojiyo u adeegida shacabka oo ah waajib Dastuuri ah oo mudan in Xildhibaanka lagu dhiira-geliyo, isagoona Xildhibaannada ugu baaqay in ay ku deydaan Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan Looga Hadlay Isku-duwidda iyo Wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee Xasilinta oo Lagu Qabtay Muqdisho

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay shacabka ay saameysay abaarta ee ku nool bariga Gobolka Mudug

Ku dhowaad 130 qoys oo ku dhaqan deegaannada Afbarwaaqo,...

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha...

Degmada Deyniile oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...