Shirweynaha 6-aad ee Xeer ilaaliyaasha Soomaaliyeed oo ka furmay Muqdisho

Date:

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in amniga iyo cadaaladdu ay yihiin laba aan kala maarmin dowlad la’aanna aysan shaqayn karin.

Guddoomiye Baashe oo furay shir sanneedka 6-aad ee Xeer ilaaliyayaasha Soomaaliyeed ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leeyihiin amniga iyo caddaaladda, wuxuuna tilmaamay in dhammaan adeegyada kale ee bulshadu ay cid kale qaban karto, balse bulshadu aysan ka maarmin garsoorka iyo ammaan, wuxuuna dowladda ku boorriyay in lagu bixiyo dedaal badan.

Guddoomiyaha ayaa dul istaagay waajibaadka ka saaran xeer ilaalinta dalka iyo hay’adaha la shaqeeya la dagaallanka dmbiyada abaabulan, wuxuuna ku tilmaamay in ay tahay mas’uuliyad wadareed.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in dhibaatada ugu badan ee haysata laamaha amnigu ay tahay Xabsi la’aan, wuxuuna intaa raaciyay in ka boolis ahaan aysan haysan meel ay geeyaan maxaabiista la qabto.

Taliyaha Ciidanka Asluubta S/Guuto; Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa xeer ilaaliyeyaasha dalka ugu baaqay in ay dhowraan waxa loo igmaday ee ah xeerka dalka,wuxuuna ku boorrriyay in cadaaladda lagu dedaalo.

Xeer Ilaaliye Guud ee Qaranka Dr; Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in xafiiskiisa uu ku guuleystay in uu xalliyo caqabado badan oo hortaagnaa in Cadaalad la helo.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud ayaa sheegay in Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka uu ku guuleystay in la yareeyo dambiyada abaabulan oo ay ka mid ahaayeen Ciyaal weerada iyagoo kaashanaya laamaha amniga.

Shirkan sanadlaha ah oo uu furay Guddoomiyaha Maxakamadda sare Baashe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka wasaaradda cadaaladdda XFS, Xasan Macalin Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka, xeer ilaaliyayaasha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan laba Aqal ee BFS.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Adeegga Diiwaangalinta iyo Aqoonsiga Qaranka oo si rasmi ah looga Furay Dhuusamareeb

Xaflad lagu maamuusay daahfurka xafiiska bixinta adeegga diiwaangalinta iyo...

Wasiir dowlaha Cadaaladda Soomaaliya oo kulan la yeeshay Wasiirka Cadaaladda Masar 

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya, Danjire...

Africom iyo Dowladda Soomaaliya oo sii wadi doonaann howlgalka lagu Ciribtirayo Khawaarijta

Taliska Africom ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalada...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Dr. Maxamed Yuusuf Xasan 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre,...