Dowladda Soomaaliya oo Beesha caalamka uga mahad celisay sida ay ugarab istaagtay.

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa taageerada dalalka caalamka ay ku taageereen qadiyadda Soomaaliya ee dhowrista madaxbanaanideeda, qaranimada iyo midnimada dhuleed.
Waxay si gaar ah Dowladda Federaalka Soomaaliya u xuseysaa dadaaladii ugu dambeeyay ee diblomaasiyadeed ee uu horkacayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay ka mid ahaayeen Shir Madaxeedkii aan caadiga ahayn ee Urur Goboleedka IGAD, Shir Madaxeedka Waddamada Dhexdhexaadka ah, kulankii Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika iyo socdaalkii miradhalka ahaa ee Madaxweynaha uu ku tegay Qaahira, kulanna kula yeeshay Madaxweyne Abdel Fattah El Sisi.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadley kulanka uu la yeeshay Madaxweyne El Sisi ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Masar ay yihiin xulufo iyo wallaalo soo jireen ah oo mar kasta ka wada shaqeeya sidii ay u abuuri lahaayeen mustaqbal ifaya iyo horumar waara, si gaar ahna diiradda loo saarayo xoojinta xiriirka diblumaasiyadeed, amni iyo siyaasadeed ee labada dal.
Madaxweynaha Masar oo Isna ka hadlayay kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadley saamaynta amni, dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu gobolka ku yeelanayo xad-gudubka dowladda Ethiopia ee ka dhanka ah midnimada iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in aysan indhaha ka fiirsanayn xadgudubkaas, maadaama ay Soomaaliya iyo Masar yihiin labo dal oo wallaalo ah, kana wada tirsan Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika.
Tallaabada gurracan ee ay qaaddey Ethiopia ee ay ku faragelinayso qaranimada Soomaaliya ayaa loo arkaa mid si ula kac ah lagu wiiqayo guulaha iyo horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dhanka kalena ay Ethiopia khatar ku gelinayso amniga gobolka iyo kan caalamka intaba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo galay maalintiisii labaad

Shirweynaha Urur-goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) oo sanadkan...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kalfadhiga 76-aad ee UNHCR

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...