Dowladda Jabuuti oo ka hadashay damaca Ethiopia ee xeebaha Soomaaliya

Date:

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Jabuuti oo war ka soo saartay damaca gurracan ee dowladda Itoobiya ee dhulka Soomaaliyeed ayaa sheegtay inay muhiim tahay ilaalinta Madaxbanaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xubnaha ka ah Urur Gobolleedka IGAD.

“Jamhuuriyadda Jabuuti oo hadda ah hoggaanka urur gobolleedka IGAD waxay xaqiijinaysaa inay si qoto dheer u ilaalinayso, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan dawladaha xubnaha ka ah ururka IGAD, sida ku cad heshiiska IGAD iyo xeerka dastuuriga ah ee Midowga Afrika” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jabuuti.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...