Sanad iyo todobo bilood kadib, maxaa Dowladda Soomaaliya u qabsoomay?, su’aashaasi jawaabteed looma fakirayo, muddo badanna kaa qaadan meyso helidda jawaabteeda, balse aan soo koobno. Markii la doortay Xurmadle Madaxweynaha JFS, waxa uu durbadiiba ku dhawaaqay in howshiisa ugu horreysa ay noqon doonto 1. Amnig, soo celinta nabadda iyo kala dambeynta, isagoo wacad ku maray inuu ka takhalusi doono Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab. 2. Ku biirista Bulshada Bariga Afrika, 3. Dhameystirka Deyn cafinta. 4. Qaadista Cuneqabateynta hubka. Iyo midda 5. Oo ah dhameystirka Dastuurka.
1.Dhinaca amniga. Kooxda Khawaarijta ah ee Shabaabku sida aad la socotiin waxay Shacabka Soomaaliyeed dhibaatada ay ku haysay dadkeenna iyo dalkeenna 15 sano, kala kulmayeen Gummaadka, baadda iyo cagajugleynta iyo falalka ka fog diinta ee khawaarijtu ay ku heysay shacabka Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen kuwo diinta iyo damiirkuba aysan ogolayn, sidaasi awgeed ayuu Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud bishii June sanadkii 2022-kii waxa uu si rasmi ah u iclaamiyay dagaalka ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo bil gudaheed ka bilowday daafaha magaalada Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka, wuxuuna xilligaasi dul-istaagay in uu hoggaamin doono dagaal seddex jiho ah oo Khawaarijta dalka looga xorreynayo, Isaga oo hoosta ka xariiqay dagaal toos ah, mid dhaqaale iyo mid fikir, Ciidamada qalabka Sida, hey’addaha dowladda, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa farriintaasi si isku mid ah u soo wada dhaweeyay, waxayna muujiyeen kaalintooda dagaalka iyo inay barbar taagan yihiin Madaxweynahooda.
Dowladdu waxay Khawaarijta ku qaaday dagaal 3 Weji leh oo ah:
B).Dagaalka Dhaqaalaha. (Jihada dhaqaalaha) Khawaarijtu waxa ay Bulshada dhexdeeda ka sameyn jireen dakhli uruurin isku dhafan oo u aheyd lacago sharci darro ah iyo Lacago baad ah oo ay ka qaadi jireen ganacsatada, qiyaas ahaan lacagaha ay qaadi jireen waxa ay u dhaxeysay 100M – 150 Million oo Doolar, lacagtaas boqolkiiba 50% waxay kasoo geli jirtay Caasimadda Muqdishu, si loo curyaamiyo dhaqaalaha Khawaarijta, dowladda Soomaaliya waxa ay diyaarisay istiraatijiyad lagu curyaaminaayo dhaqaalaha maaliyadeed ee Khawaarijta, kaasi oo udub dhaxaad u ahaa in uu guuleysto qorshaha la dagaalanka Maalgelinta Khawaarijta. Waxaa intaasi dheer in sirdoonka Soomaaliya uu soo afjaray Shabakado badan oo ay Khawaarijtu dhinaca dhaqaalaha u isticmaali jireen kuwaasi oo isu ekeysiinayay, sida:- nootaayooyin, shirkado ganacsi, dalaaliin, iyo xubno shaqadoodu aheyd in ay xogta gancsi la wadaagaan khawaarijta.
Halkaasi waxaa ka soo wajahay qandho weyn oo isku bedeshay Xanuunka khawaarijta gaaray, balse intaasi loogama harine waxa ay dowladdu xirtay 350 Akoon Bangi, 405 Telefoon iyo 18 Koonto ganacsi (Merchant) kuwaasi oo dhammaantood Khawaarijtu dhexmarsiisan jirtay lacagaha baadda ah. Tirade guud ee lacagaha lagu Xayiray (Koontada bangiyada, Koontooyinka ganacsiga (Merchants) iyo Telefoon-nada gacanta waxa ay gaareysaa, hal milyan shan boqol tobban iyo sagaal kun, shan boqol toddobaatan iyo shan doolar iyo konton iyo shan sint ($1,519,575.55).
T).Dagaalka Tooska ah. (Jihada Dgaalka). Gulufka Dagaalka oo tooska ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ayaa isna si qorsheysan oo aan hakad laheyn muddo sanad ka badan uga socda dhammaan dowlad goboleedyada dalka kaasi oo saameyn xoog leh ku yeeshay khawaarijtii ku dhuumaaleysan jirtay gobollada dalka, iyadoo dhul ka badan (1.000) Kun KM ayaa sanad gudihiis looga laga ciribtiray Khawaarijta waxaana intaai dheer in ka badan 120 meelood ee isugu jira Deegaanno iyo Degmooyin muhiim ah ayaa soo galay gacanta dowladda welina waxaa socda baacsiga lagu hayo firxadka kooxda khawaarijta, waxaa kaloo jira intii uu socday howlgallada iyo dagaallada tooska ah oo sanad iyo bilood jirsaday ayaa waxaa lagu dilay in ka badan seddex kun iyo siddeed boqol Maleeshiyaad (3,800) iyo horjoogeyaal sare oo khawaarijta muhiim u ahaa, kuwaasi oo uu ka mid ahaa dhaxal sugihii kooxda Cabdullaahi Nadiir, waxaana tirade guud ee horjoogeyaashu gaareysa gaaraya (57), waxaana lagu burburiyay in ka badan 80 Saldhig oo khawaarijta fariisin u ahayd iyo (68) shabakadood oo noocyo kala duwan u abaabulnaa.
J).Dagaalka Fikirka. (Wacyigalinta). Iyaoo laga duulaayo tusaalooyinka Madaxweynaha JFS Dr:- Xasan Sh. Maxamuud aayaa la abaabulay dhinaca fikirka, waxaana markii ugu horraysay Culumaa’udiinka isku raaceen halka kooxdu uga jirto diinta, waxaana Culumadu fatwootay isku raaceen in kooxdu tahay Khawaarij rasmi ah, taasi oo wax wayn ka badeshay wacyiga dadkeenna ee ku aadan Khawaarijta. Waxaa kaloo xusid mudan in Warbaahintu tahay tiirka ugu muhiimsan ee dagaalka fikirka, dowladda Soomaaliya oo la dirireysa fikirka Khawaarijnimada ah waxa ay sanadkan gudihiis xirtay 8029 sideed kun labaatan iyo sagaal barood facebook oo isugu jiray pages and profiles, kuwaasi oo Khawaarijtu u isticmaali jirtay faafinta wararka been abuurka, dhinaca Aaladda Telegram waxaa hawada laga saaro 3517 channels oo ay sidoo kale faafintooda u isticmaali jireen Khawaarijta, waxaa kaloo la xiray 2921 TikTok oo lagu faafin jiray Farimaha Khawaarijta, 21 Youtube oo ay Khawaarijtu ku faafin jireen Muqaalo dacaayado ah ayaa sidoo kale la xiray iyo sidoo kale laga xiray 12 Websites oo ay ku baahin jireen wararka been abuurka ah iyo(4) afar Idaacadood oo ku hadla Afka Kooxda Khawaarijta.
2.Ku biirista Bulshada Bariga Afrika. Bishii Agoosto, iyadoo la raacayo awaamiirta Madaxda Qaranka, khubaro ka kala socota toddobada waddan ee EAC, Xoghaynta iyo Golaha EAC, Soomaaliya, Golaha Sharci dejinta ee Bariga Afrika, iyo Maxkamadda Cadaaladda ee Bariga Afrika ayaa ku kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya muddo sagaal maalmood ah oo wada hadallo ah oo ku saabsan soo galitaanka Soomaaliya ee golaha deegaanka. Wada-hadalladaas ka dib, Xoghayaha Guud ee EAC Peter Mathuki ayaa kalsooni ka muujiyay in la ansixin doono codsiga Soomaaliya ee xubinnimada, ugu dambeytiina ayay Soomaaliya Xubin buuxda ka noqota Ururkaasi. waxa ay si gaar ah u fullin doontaa Qodobadda uu ku dhisan yahay heshiiskan oo ay ka mid tahay isku Socodka Xorta ah ee Dadka.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Entebbe ee dalka Uganda ku saxiixay heshiiska ku biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC). “Maanta waa wakhtii aad loogu faano inagoo u dabal degayna ku biirtaanka Soomaaliya ee bulshada bariga Afrika,tani waxay astaan u tahay xaqiijinta himilooyinkeena wadajirka ah,waxayna tilmaan u tahay rajadeena Mustaqabalka oo ay ka buuxaan fursado badan, ayuu yiri Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud, mar uu ka hadlaayay munaasabadda saxiixa aheyd. Xubinnimadaydu ma ahaan mid ku timid xilligeeda oo kali yahay ee sidoo kale waa mid kor u qaadaysa maalgashiga ururka, waxay kaloo leedahay Muhiimadda juqraafiyeed ee Soomaaliya, waxay sare u qaadi doontaa muhiimadda Dallada Bulshada Bariga afrika ee caalamka.
- Qaadista Cunaqabateynta Hubka. Fadhi ay yeesheen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-kii. Tallaabadaan ayaa ah mid ay Soomaaliya u abuuri doonta waddo cusub, taasi oo ah tallaabo muhiim ah oo wax badan ka bedeli karta ammaanka Soomaaliya iyo kan Geeska Afrika. Codeyn u dhacday hab gacan taag ah oo ay qaadeen 15 xubin ee golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa 14 ka mid ah waxa ay u codeysay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyn hubka, taas oo ka dhigan in 31 sano ka dib Soomaaliya laga qaaday cunaqabataynta hubka, waxayna albaabada u furi doonta in dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo iibsato hub culus oo casri ah oo kaalin ku lahaan doona dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Sanadkii 2022-kii ee dib u doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu tilmaamay in ay la kulmeen xubna ka socdoy Qaramada Midoobay oo ay kala hadleen sida loogu guuleysan karo qaadista cunaqabteynta hubka, dood dheer kadibna ay islaqaateen in la sameeyo Habraac 10-qeyb ka koobnaa oo ay Soomaaliya ku gaari karto in laga qaado cunaqabteynta hubka, dhammaanna Soomaaliya ugu dambeyntii ku guuleysatay qodobadii horyeelay, taasi oo keentay in laga qaado cunaqabteyntii hubka.
Maxaa laga faa’iidayaa qaadista Cunaqabateynata Hubka?, waxaa laga faa’idayaa 5.qodob.
B- La-dagaalanka Argagaxisada iyo soo afjariddeeda iyo Sugidda Ammaanka: Soomaaliya waxa ay la daalaa dhacaysay caqabado badan oo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid yihiin joogitaanka kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab ee ku xiran shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al Qaacidah. Dowladda Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in ay hesho hub iyo qalab casri ah, si ay si dhab ah ula dagaalanto khatarahaas oo ay u sugto ammaanka xudduudaheeda.
T- Difaaca Qaranka: Qaadista cunaqabateynta hubka waxay dowladda Soomaaliya u sahlaysa inay dhisto oo casriyeyso ciidamadeeda qalabka sida, taasi oo sare u qaadeysa awoodda ay u leedahay inay difaacdo Madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.
J- Dadaalka nabad ilaalinta iyo xasilinta: Soomaaliya waxa ay diiradda saartay, hormuudna ka aheyd dadaallo badan oo nabad ilaalin iyo xasilineed oo ay wadajir uga shaqeynayeen Midowga Afrika iyo hey’adaha kale ee caalamiga ah. Helitaanka hubka iyo qalabka ayaa muhiim u ah dowladda Soomaaliya si ay si hufan u gudato waajibaadkeeda sugidda amniga, islamarkaana ay Ciidamada ATMIS ugala wareegto amniga guud ee dalka.
X- Dhaqangelinta sharciga iyo xakameynta xuduudaha: Dowladda Soomaaliya waxay u baahan tahay qaabkii ay ku qalabeyn laheyd hay’addeeda sharci fulinta iyo si ay xudduudaheeda uga ilaaliso ka ganacsiga hubka sharci darrada ah, argagixisada, iyo khataraha kale ee caalamiga ah.
Kh. Dawlad-dhisidda iyo dawladnimada: Xoojinta awoodda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan sugidda amniga waxay lagama maarmaan u tahay dadaalka ay ugu jirto hirgelinta maamul xasilloon, bixinta adeegyada bulshada, iyo horumarinta dhaqaalaha.
- Deyn cafinta. Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay in Soomaliya laga cafiyey deynta, ka dib 11-sano oo ay ku soo jirtay geedi socodka deyn cafinta, taasi oo Soomaaliya siinaysa fursad weyn oo ay kula falgasho caalamka. Victoria Kwakwa Madaxweyne ku xigeenka koofurta iyo bariga Afrika ee Bankiga adduunka ayaa dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ugu hambalyeysay guusha taariikhiga ah ee ay gaartay, taas oo loo soo maray shaqo adag oo sanado badan qaadatay. Jihad Azuur madaxa qeybta bariga dhexe iyo bartamaha Aasiya ee hey’adda IMF ayaa sheegay in Soomaaliya ay horyaalaan fursado badan ka dib guushan, kuwaasi oo ay wax uga qaban karto horumarinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo xirfadaha dadka, inkasta oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin saameynta xasilooni darrida Soomaaliya iyo isbedalka cimilada.
- Dhameystirka Dastuurka. Midda kaliya ee ka dhiman ballaanqaadka Madaxweynaha ayaa ah qodobka ah dhameystirka Dastuur, isagana waxaan rajeyneynaa in goor dhow laga gudbo oo ay Soonmaaliya yeelato Dastuur aan qabyo aheyn, waayo Dastuurka waa qaanunka ugu sarreeya dalka marka la yimaado Shareecada Islaamka.