Wasiir Daa”uud Aweys: Waxa qormaysa Taariikh Cusub

Date:

hadal qoraalka wasiirka warfaafinta xfs mudane Daud Aweis  ee ku aaddan ansixinta ku biiritaanka soomaaliya ee urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga africa EAC

Taariikh cusub ayaa u qormeysa. Shir Madaxeedka 23-aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika waxaa uu magaalada Arusha ee dalka Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania ku ansixiyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si rasmi ah xubin uga noqoto ururka, noqotana xubintii 8aad ee urur goboleedka.

Marxaladdan muhiimka ah ,waxa ay daliil u tahay dedaalka hagar la’aanta ah ee uu muujiyey madaxweynaheenna Dr Xasan Sheekh Maxamud oo fulinaya qeyb ka mid ah siyaasadda arrimaha dibedda ee ‘’Somali dunida iyo deriskeedaba heshiis la ah’’, iyo weliba dadaallada adag ee ay dowladeena iyo shacabka Soomaaliyeed gacanta uga wada geysteen ka mira dhalinta gaarista hadafkan.

Go’aanka ah in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto ururkan sharafta leh waxa ay muujinaysaa sida wadajirka ah ee madaxda iyo shacabka Bariga Afrika uga go’an tahay kobcinta horumarka, xasilloonida, iyo iskaashiga gobolka.

Runtii waxaa sharaf iyo qadarin mudan kalsoonida iyo taageerada ay na siiyeen dowladaha xubnaha ka ah ururkan. Inagoo og in xubin ka noqoshada ururkan ay ka ratibmeyso waajibaad iyo door waxqabad, ayaa waxaan caddeynayaa inaan diyaar u nahay inaan gudano mas’uuliyadda inooga aaddan, isla markaana aan ka dhex muuqano sameynta go’aamada masiiriga ah ee gobolka Bariga Afrika.

Waxaa naga go’an inaan la imaano wax-qabad wanaagsan oo macno leh kaas oo Somalia ka sokow ay ka faa’iideysan doonaan guud ahaan dadyowga gobolka, inagoo raaceyna nidaam la isla oggol yahay oo danaha Somalia ay si weyn uga muuqdaan.

Waxaan aaminsanahay in haddii la helo iskaashi, isfaham iyo wadashaqeyn, inaan si wadajir ah u gaari karno xasillooni iyo horumar waara oo ka hanaqaada deegaankeenna. Si wadajir ah, waxaan uga shaqeyn doonnaa mustaqbal ifaya oo barwaaqaysan oo waxtar u leh dhammaan dadyowga gobolka ku nool.

Waxan u mahadcelinaynaa Dowladda Jamhuuriyadda Midowdey ee Tanzania oo si maqam sare leh noogu soo dhoweysay magaalada Arusha, iyo dhammaan madaxda kale ee ururka ee go’aankaan taariikhiga qalinka ku wada duugay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...